Wararka Soomaalida
Akhriso:Khudbada Madaxweynaha
Bismillaahi Raxmaani Raxiim Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoonka Golaha Shacabka Ummadda Soomaaliyeed Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye K/xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guggoomiye Ku/xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Guddoomiyaha […]
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Guddoonka Golaha Shacabka Ummadda Soomaaliyeed
Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey
Guddoomiye K/xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka
Mudane Mahad Cabdalla Cawad
Guggoomiye Ku/xigeenka labaad ee Golaha Shacabka
Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka
Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka
Xeer Ilaaliyaha Qaranka,
Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada, Danjirayaasha Iyo dhammaan martida kale ee sharafta leh,
Kooxda Heegan, Baambayda iyo Bahda Saxaafadda
Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,
Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin ,
Waxaa sharaf ii ah inaan maanta hortiinna imaado aniga oo gudanaya waajibaadkayga dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad adag oo u baahan in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dowlad iyo shacabba, ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u samatabixin lahaayeen dalkooda iyo dadkoodaba.
Sidaad la socotaan, waxaan waqti dheer dagaal marxalado badan soo maray aan kula jirnay kooxaha argagaxisada ah oo mar walba u taagan inay daadiyaan dhiigga shacabka ummada Soomaaliyeed, waxayna usbuucan Muqdisho ku gumaadeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyo masuuliyiin uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Ilaahay waxaan ugu baryeynaa inuu intii shahiidday jannadii iyo naxariistiisii siiyo, inta dhawaacanytayna uu caafimaad buuxa siiyo.
Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Dagaalkaani ma ahan mid aan annagu doorannay, laakiin waa mid aan ku qasbannahay, waana inaan ku guulaysannaa intay rabto ha nagu qaadato. Sidaas awgeed dowlad iyo shacabba waa inaan u midownaa sidii aan u tirtiri lahayn argagixisada caadaysatay daadinta dhiigga shacabka.
Waxaa sidaan horey idiin kugu ballan qaaday oo naga go’an in aan siinno amniga ahmiyadda ugu wayn. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka oo ay la wadaagaan xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada cadowga – argagixisada ah.
Dalka wuxuu ku jiraa dagaal muddo ka badan 10 sano, dagaalkuna wuxuu wataa dhaqaale xumo, dhaawac badan iyo dhimasho. Waa inaan adkaysanno, waa inuu mooraalkeenu sarreeyo oo aan caradeenna ku wajahno cadowga, marna Shacabkeennu yeynan ogolaan in la qalbi-jabiyo. Ummadda Soomaliyeed wax badan ayaa la isku dayey in la qab-jabiyo oo ay is-dhiibaan, laakiin ma dhicin, waana diideen in ay is dhiibaan. Guusha waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo xaq u dirirka ah oo nabadda jecel, Cadowgu wuxuu marayaa meeshii ugu dambeysay markii lala barbardhigo meeshii ay joogeen 10 sano kahor, waxayna ku jiraan baqdin iyo ay ku dhuumaalaystaan shacabka dhexdiisa si ay u geystaan xasuuq cidna aysan u naxin- caruur iyo cirroolaba. Waxaan hubaa in aan ka guulaysan doonno cadowga. Guusha waxaa nooga hartay oo kaliya wakhti yar iyo adkaysi. Amnigu siyaasad ma galo waana masuuliyad wadareed, qof walba oo muwaadin ahna door ayuu ku leeyahay inta ay fdoonto hala ekaatee.
Waxaa hubaal ah in shaqo badan looga baahan yahay dhinaca ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada. Sidaa darteed, annagoo ku xisaabtamayna marxaladaha adag ee dalkeennu ku jiro dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsha ahaanba, waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka, sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Si loo dejiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah uga hor taga argagixisada, waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan insha Allaah sida ugu dhakhsiyada badan.
Waxaan Xukuumadda ku bogaadinayaa dadaallada ay ka waddo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda ciidanka, si uu askari walba xuquuqdiisa toos ugu helo. Ciidanku waxa ay leeyihiin ahmiyadda ugu horraysa ee mushaar bixinta, laakiin waa in askari walba la diiwaangeliyaa si aan u ogaanno tirada dhabta ah iyo sida ay u hawl galayaan.
Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin
Dhinaca hirgelinta sharciyada; labadii sanno ee uu maamulkaygu jiray waxaan saxiixay labo sharci oo kaliya, halka 29 hindise-sharciyeed oo kale ay horyaallaan labada Gole ee Baarlaamaanka. In badan oo kamid ah shuruucdaas waxay muhiim u yihiin hirgelinta howlaha dowladda, sida la dagaalanka argagixisada, la dagalaanka musuqmaasuqa, sharciga maamulka maaliyadda iyo xaqsiinta ciidamada oo aad iyo aad muhiim noogu ah. Sidaas awgeed, waxaan si xushmad leh labada gole uga codsanayaa inay dedejiyaan hirgelinta iyo ansixinta sharciyadaas iyo kuwa kale ee muhiimka u ah howlaha dowladda.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Muddadii labada sano ahayd ee aan xilka hayey waxaan xoogga saaray kobcinta dhaqaalaha dalka, hadday noqoto sidii aan adduun-weynaha uga heli lahayn in nalaga cafiyo deymaha, iyo hadday noqon lahayd inaan kor u qaadno dakhliga gudaha ee dalka.
Dhinaca cafinta daymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymahaas.
Dhinaca dakhliga Dowladda, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay. Dakhliga sanadka 2017 waxa uu ahaa $142.6m, halka sanadkii la soo dhaafay uu gaaray $184m; waxaana rajaynaynaa in sanadka 2019 uu dhaqaaluhu intaas kasii badnaado Insha Allaah.
Si loo yareeyo halista ka imaan jirtay lunsashada ama musuqmaasuqa dakhliga dowladda, waxaan dib-u-habayn ku samaynay habkii ururinta dakhliga, waxaana ururinta dakhliga dowladda ku gaar yeelnay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Bangiga Dhexe, halka markii hore ay ururin jireen hay’ado badan oo dowli ah.
Sidoo kale, waxay dowladdu si rasmi ah dib ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internet (.so); waxaan dib usoo ceshannay xubinnimadeennii Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta. Waxaan dajinnay qorshaha 5-ta sano ee isgaarsiinta & teknolojiyada qaranka; Waxaan dhisnay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; Waxaan dhammaystirnay Sharciga Shirkadaha (Company Law) iyo kan Hantidhowrka guud.
Dhammaan howlahaas aan kor kusoo sheegay waxay udub-dhexaad u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo dib u nabadeynta dalka guud ahaan. Waxaan rajaynayaa in aan guul wayn oo wax ka-beddesha nolosha iyo mustaqbalkeenaba aan ka gaari doonno dib u dhiska dhaqaalaha iyo mashruuca dayn cafiska.
Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Dhinaca Siyaasadda, waxaan xoogga saarnay sidii ummadda Soomaaliyeed horumar uga gaari lahayd siyaasad loo dhan yahay. Waxaa Alle mahaddiis ah in annagoo wada jirna ay noo suurta gashay inaan go’aan siyaasadeed ka gaarno nidaamka doorasho iyo degaan doorasho ee dalka iyo sidoo kale qayb-siga khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan dhammaystirnay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadaynta dalka.
Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda.
Waxaan u mahad celinayaa guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka oo dhammaystiray qabyo qoraalka 10-ka cutub ee dastuurka. Waxaan ku bogaadinayaa howsha ay qabteen iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Dastuurka iyo labada guddi. Waxaan ku dhiirrigelinayaa labada guddi iyo Xukuumaddaba in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan si loo dhammaystiro 5-ta cutub ee ka hartay Dastuurka. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dadaal ku bixiyay sidii Dastuurka loo dhammays tiri lahaa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistiisa iyo jannadiisa siiyo. Waxaa sidoo kale xusid mudan, in bishii Juun ee sannadkii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ku heshiiyeen hanaanka khayraad wadaagga dalka.
Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dib u heshiisiintu waxay ka mid tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkayga. Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in Golaha Wasiirada ay u suurta gashay in ay ansixiyaan Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaranka iyo Qorshe hawleedkiisa fulineed si loo qaabeeyo, loona dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiinta ee dalka ka socda.
Dhanka kale, waxaa naga go’an inaan ka mira dhalinno wadahadallada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaleheen Somaliland. Waxaan ku bixinaynaa dadaal dheeri ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan diyaar u nahay inaan si waafi ah uga garawno tabashooyinka ay qabaan walaaleheenna reer Somaliland.
Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Kalfadhigaan wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu meel fiican marayo xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta xaqiijinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan sii xoojinno wada shaqayntaas hadduu Eebe yiraahdo.
Waxaan bogaadinayaa doorashooyinkii ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana ku kalsoonahay in doorashooyinka Jubaland iyo Galmudug ay iyaguna xilligii loo asteeyay ku qabsoomi doonaan.
Mudane Guddoomiye,
Siyaasaddeenna arrimaha dibedda waxaa saldhig u ah in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la yeelato waddamada caalamka, iyada oo iskaashigeedu ku qotomo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan had iyo jeer u taagannahay ilaalinta midnimadeenna, madaxbanaaniddeena iyo ilaalinta xuduudeheenna dhulka, badda iyo cirkaba.
Xiriirka aan la leennahay waddamada derisku waa mid ku dhisan iskaashi xooggan oo ku salaysan is-ixtiraam iyo wax wadaqabsi siman ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Soomaaliya waxay bud-dhige u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika. Ujeeddooyinka iskaashiga waddamada Geeska Afrika waa in waddamada Geeska Afrika ay horumar waara ka gaaraan dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasadda iyo bulshada.
Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxaan ugu danbeyntii Guddoonka Golaha Shacabka mar kale ka codsanayaa inay meel-mariyaan Hindise-sharciyeedda kala duwan ee horyaalla.Kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabkuna waa inoo furan yahay, maanta oo ah Maarso 27, 2019.
Waa mahadsan tihiin.
Community
OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY
Minnesota –
Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.
Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.
Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.
MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?
Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.
Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.
Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.
Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.
Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.
MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?
Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.
Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.
Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:
1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.
2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.
SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?
Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.
SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?
Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.
MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?
• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.
• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.
• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.
Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:
https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html
HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414
AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.
Somali News
Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay
MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.
Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS
Community
Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay
Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.
Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota.
Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah:
- Kaalinta Koobaad USA CUP
- Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
- Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
- Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA
Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray.
Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen.
-
Local News11 months ago
24-year-man charged with attempted murder, assault for gunfire exchange with Park police
-
Local News12 months ago
Dab ka kacay dhismii ahaan jiray dukaanka Kmart ee ku yaala wadada Lake ee Minneapolis
-
Arts & Culture12 months ago
Munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota
-
Arts & Culture12 months ago
Award-winning artist K’naan releases new song honouring refugees
-
Local News11 months ago
Minnesota honors refugees for their contributions
-
Health12 months ago
Research Brief: ‘Social capital’ contributes to food security of Somali-American households
-
Health12 months ago
Vaping – What Parents Should Know
-
Health12 months ago
Minnesota overdose deaths held steady in 2022