Wararka Soomaalida
Axmed Karaash oo deeq gaarsiiyay bulshada Caluula
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Caluula ee Gobolka Bari halkaas oo Madaxweyne ku xigeenka uu ka daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka roobabka saameeyeen ee Gobolka Bari ee maaamulka Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka PuntlandnAxmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabka saameeyeen waxaana diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday waday Gurmadkii bulshada loogu tala galay.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay.
Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan,Xubno ka mid ah labada Gole ee Puntland,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jannaraal Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow,Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland.