Wararka Soomaalida

Bulaacadaha biya fariisidka Muqdisho oo laga howlgalay+sawiro

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (ENG Yariisow) ayaa maanta maamulkiisa howlo nadiifin ah iyo furidda dhuumihii qaadijiray wasaqada iyo biyaha roobka uu keeno baddana ku tuurijiray ee hadda xiran qaabkii dib udayactir ugu samayn lahaayeen. Waaxda nadaafada bulaacadaha Maamulka Gobolka Banaadir oo uu weheliyey Gudoomiye Yariisow ayaa maanta howlo nadiifin […]

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (ENG Yariisow) ayaa maanta maamulkiisa howlo nadiifin ah iyo furidda dhuumihii qaadijiray wasaqada iyo biyaha roobka uu keeno baddana ku tuurijiray ee hadda xiran qaabkii dib udayactir ugu samayn lahaayeen.

Waaxda nadaafada bulaacadaha Maamulka Gobolka Banaadir oo uu weheliyey Gudoomiye Yariisow ayaa maanta howlo nadiifin ah iyo furidda dhuumahaas ee xirmay waxay ka shaqo ka bilaabeen wadada KM4 oo ay ku yaalaan dhoor goobood oo biyo fariisid ah.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadlay goobta shaqadaas laga hayey ayaa waxaa uu sheegay in har iyo habeenba ay u taagan yihiin sidii ay ugu adeegi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in da,daal laba jibaar ah ay gelinayaan Caasadda Soomaaliya sidii bilicdeedii hore ugu soo celinlahaayeen.

“Bulaacada biyo-fariisadka KM4 ayaan manta ka bilownay dayactir lagu ballaarinayo si biyaha roobka aysan bulshada wax u yeelin,U adeegista shacabka waa ahmeiyada maamulka G/Banaadir”ayuu ku soo xiray hadalkiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ENG Yariisow.

Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda waxaa hareerahooda caan ku yihiin bulaacadaha biya fariisidka ah isla markaana ay fariistaan biyaha roobka iyo sidoo kale laamiyada dhaxdooda ka dib markii ay wada xirmeen dhuumihii qaadijiray biyaas isla markaana ku shubijiray badda.

Sababta xirtay dhuumahaas ayaa waxay tahay ka dib dhicitaankii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo gacanta ku haysay ilaalinta iyo dib uhagaajinta dhuumahaas iyadoo ay uxilsaarnaayeen shaqaale heegan u ahaa oo Meesha kabaxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version