Wararka Soomaalida

Degmada waaberi oo lagu dilay Macalin Dugsi Quraan

Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa lagu dilay Macalin Dugsi Quraan ah xili uu dhax fadhiyey ardadiisa ee uu Quraanka umeerinayey. Macalinka lagu dilay degmada Waaberi ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Macalin Mukhtaar waxaana la sheegayaa in degmada siweyn looga yaqaanay Macalin Mukhtaar. Dablay Bastoolado ku hubaysan ayaa la sheegayaa in Madaxa […]

Published

on

Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa lagu dilay Macalin Dugsi Quraan ah xili uu dhax fadhiyey ardadiisa ee uu Quraanka umeerinayey.

Macalinka lagu dilay degmada Waaberi ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Macalin Mukhtaar waxaana la sheegayaa in degmada siweyn looga yaqaanay Macalin Mukhtaar.

Dablay Bastoolado ku hubaysan ayaa la sheegayaa in Madaxa ay ka toogteen Macalinkaas ka dibna iskiiga cararay goobtii ay ku dileen Macalinka.

ilaa hadda macada waxa loo dilay Macalin Mukhtaar xili uu joogay xarunta dugsiga Quraanka ee Ardayda uu wax ku barayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version