Connect with us

Uncategorized

Dil caawa ka dhacay degmada Hodan

Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ayaa caawa maqribkii ka dib waxaa lagu dilay mid ka mid ahaa dhalinyarada ku nooleed ka degmadaas waxaana dilkiisa ka dambeeyay koox Bastoolado ku hubaysan sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhalinyarada xaafadaas dilka uu ka dhacay oo la hadlay Wargayska Tusmotimes. Kooxda dishay ninkaas dhalinyarada ah ayaa ka […]

Published

on

Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ayaa caawa maqribkii ka dib waxaa lagu dilay mid ka mid ahaa dhalinyarada ku nooleed ka degmadaas waxaana dilkiisa ka dambeeyay koox Bastoolado ku hubaysan sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhalinyarada xaafadaas dilka uu ka dhacay oo la hadlay Wargayska Tusmotimes.

Kooxda dishay ninkaas dhalinyarada ah ayaa ka baxsaday goobta ay wax ku dileen ilaa haddana lama oga sababta ay udileen marxuumka iyo kooxda ay ka tirsan yihiin.

 

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidamada amniga ee Muqdisho iyagoo howlgal ka fuliyay xaafada Siigaale ee Degmada Hodan sida aan warka ku helnay.

Ninkan dhalinyarada ah oo ilaa hadda aan lagaranin magaciisa iyo shaqadiisa waxay ahayd ayaa waxaa wali ka hadlin laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Uncategorized

Villa Soomaaliya oo markii ugu horaysay ka hadashay qaraxii shalay

Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas-Qaran loogu sameeyay Seddax Gudoomiye degmo labo Agaasime iyo Sedax lataliye sare oo dhamaan ahaa mas,uuliyiintii maamulka Gobolka Banaadir ee ku nafwaysay qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir waxaana ka qeyb galay aaskaas Qaran wasiiro, Xildhibaano,Saraakiil, ehel iyo saaxiibada marxuumiinta geeriyootay waxaana lagu Aasay qabuuraha Isbitaalka Madiina […]

Published

on

By

Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas-Qaran loogu sameeyay Seddax Gudoomiye degmo labo Agaasime iyo Sedax lataliye sare oo dhamaan ahaa mas,uuliyiintii maamulka Gobolka Banaadir ee ku nafwaysay qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir waxaana ka qeyb galay aaskaas Qaran wasiiro, Xildhibaano,Saraakiil, ehel iyo saaxiibada marxuumiinta geeriyootay waxaana lagu Aasay qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Markii aaska Qaran uu soo idlaaday ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Agaasimaha Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed wuxuu marka hore ka tacsiyadeeyay geeridii mas,uuliyiinta aaska Qaran ay usameeyeen ka dibna wuxuu ka hadlay wixii shalay galab ka dhacay Gobolka Banaadir.

Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in falkaas uu ahaa fal wuxuushnimo islamarkaana ay fuliyeen Khayr laawiyaal sidoo kale wuxuu sheegay Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed in falkaas Laamaha amniga ay ku hayaan baaritaan adag cida fudadaysay,sida lagu geliyay qaraxa gudaha xarunta iyo hoolka shirarka ee xarunta Gobolka Banaadir iyadoo si dhamaystiran loo baarayo Kaamirooyinka ku xiran xarunta iyo baaritaan cilmi ku dhisan oo lagu samaynayo guud ahaan sida ku suurta gashay in qarax uu ka dhaco xarunta oo amaankeeda oo loo waardiyo.

Agaasimaha Madaxtooyada qeybta Warbaahinta Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ugu baaqay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed inay ka gaabsadaan baahinta wararka ku saabsan khasaarihii ka dhashay weerarka bahalnimada ah si aanay ugu farxin cadowga sida uu ka dhawaajiyay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

“Weerarkan ma,ahan kaliya mid lagu soo qaaday xafiis dowladeed ee waa mid lagu qaaday guud ahaan Umadda Soomaaliyeed si loo baabi’iyo sharafta iyo jiritaanka Ummada Soomaaliyeed taasna waa inay nagu kaliftaa in maanta oo kale aan meel iska dhigno kala aragti duwanaanta ee dhexdeena ah oo aan muujinaa midnimo iyo isku duubni islamarkaana hal meelna aan uga soo wada jeesanaa argagixisada hadaf kooda uu yahay in si aan kala sooc lahayn oo wuxuushnimo ah ummadda u laayaan iyagoo caadeystay inay bartilmaameed sadaan shaqsiyaadka bulshada indhaha u ah”ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada qeybta Warbaahinta Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasime Cabdinuur oo umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho sida qiimaha leh ee ay ula shaqeeyeen laamaha amniga Muqdisho ayaa ku booriyay inay labajibaaraan wada shaqaynta Ciidamada kala duwan ee amniga qaabilsan si looga adkaado argagixisada gumaadaysa shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed.

Continue Reading

Uncategorized

Aqoonyahan ka digay isticmaalka Caruurta Hubka Macmalka ah

Aqooyahan Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa wuxuu u kuur galay Hubka Macmalka ah ee caruurta loo iibiyo si loogu ciyaarsiiyo maalmaha Munaasabadaha ay jiraan qatarta ka dhalan karta maskax ahaan koritaanka Caruurta isagoo intaas raaciyay in laga haboon yahay in caruurta loo iibiyo Bastooladaha Caagga ah iyo Qoryaha Caagga ah.             […]

Published

on

By

Aqooyahan Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa wuxuu u kuur galay Hubka Macmalka ah ee caruurta loo iibiyo si loogu ciyaarsiiyo maalmaha Munaasabadaha ay jiraan qatarta ka dhalan karta maskax ahaan koritaanka Caruurta isagoo intaas raaciyay in laga haboon yahay in caruurta loo iibiyo Bastooladaha Caagga ah iyo Qoryaha Caagga ah.
 
 
 
 
 
 

Tani waxay nagu adkeyneysaa wax badan maxaa yeelay caruurtu ma ahan wax la mid ah, laakiin keli ahaantooda aabayaashood, sidaas awgeed, tani waxay tusinaysaa ama muujinaysaa in koritaanku aanu u diyaarsanayn nabadda iyo barwaaqada. Waxaan xasuustaa markii aan joogay Hindiya, ciyaaraha carruurta waxay ahaayeen kuwo badanaa ah madadaalo madadaalo ama qalab hub ah
Alaab-qeybiyeyaashu, inta badan waa ganacsatada fursadaha raadinaya faa’iido dhaqaale oo ka yimaada wax kasta oo suuqa laga iibsan karo, oo ka soo jeeda qashinka iyo dhaqanka qashinka lagu ciyaaro, qalabka ciyaaraha lagu ciyaaro ee xaaladdan khaas ah, iyo ugu xun, cidina ma xakamaynayso waxa ay u maleynayaan inay iibiyaan dadka.

Continue Reading

Uncategorized

Iska hor imaad ka dhacay Muqdisho

Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa caawa waxaa dagaal kooban uu ku dhaxmaray Ciidanka Booliska oo roondo amni sugid ah ku jiray iyo shaqsi ku hubaysnaa Bastoolad ka dib markii Ciidanka ka shakiyeen ruuxaas sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah shacabka ku nool degmada Boondheere gaar ahaan xaafadda dagaalka uu ka dhacay. Israsaaseyn […]

Published

on

By

Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa caawa waxaa dagaal kooban uu ku dhaxmaray Ciidanka Booliska oo roondo amni sugid ah ku jiray iyo shaqsi ku hubaysnaa Bastoolad ka dib markii Ciidanka ka shakiyeen ruuxaas sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah shacabka ku nool degmada Boondheere gaar ahaan xaafadda dagaalka uu ka dhacay.
Israsaaseyn keddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas
Ciidamada amniga ee Degmada Boondhere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada ee Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa
Continue Reading

Trending