Connect with us

Uncategorized

Dowladda Kenya oo fashil ka haysta ICJ

Published

on

Dowladda Kenya ayaa waxay wajigabax weyn kala kulantay codsiyo isdabajoog ah oo ay udirtay Maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ ee ku taala dalka Holland iyadoo codsiyadaasi ku dalbatay Kenya in maxkamadda ufuliso danaheeda ee ku aadan arimaha Badda balse laga diiday.

Kenya codsiyadaas ay udirtay ICJ ayaa wuxuu ku salaysnaa in dacwada Badde ee kala dhexeeya Soomaaliya laga wareejiyo maxkamadda ICJ loona weeciyo wadamada Afrika halkaasna lagu dhameeyo balse arinkaas gabi ahaanba laga diiday in loo fuliyo Kenya waxaana loo sheegay Dowladda Kenya inay iska daayaan walaac ay ka qabaan in dacwada loogu guulaysto islamarkaana ay soo xaadiraan dhageysiga dacwada Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya.

Walaaca ka muuqda Kenya ee ah in dacwada Badda guuldaro kala kulanto ayaa waxaa maanta ka hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir wuxuuna sheegay in Kenya hadda qarka usaaran tahay inay ka harto dhageysiga dacwada muranka badda ee labada dowladood.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay markii loo eego marxalada hadda Kenya ay marayso inay suurtagal tahay inaysan xaadirin dhageysiga dacwada Badda oo ay ka baaqdaan islamarkaana Kenya qarka usaaran tahay inay soo xaadiri waayaan xarunta maxkamadda ICJ ee 9 bisha September oo hadda ay nooga harsan tahay Seddax maalin oo qura.

Dowladda Kenya ayaa xunsul duub uga jirta inay si kale ugu wareegto maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ iyadoo doorbidaysa Kenya in dacwadan lagu xaliyo Afrikan ahaan.

Dhinaca kale Kenya ayaa kala dirtay Qareenadii uxilsaarnaa difaaca dacwada Badda waxayna ku howlan tahay inay hesho Qareeno kale oo ay ku kal soonaan karaan iyo inay hesho dadaalkeeda ah in arinta muranka badda lagu xaliyo qaab Afrikan ah inkastoo taas laga diiday.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arts & Culture

Munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota

Published

on

By

MINNESOTA – Waxaa magaaladda Minneapolis si habsami leh uga socda qabanqaabadda munaasabad lagu maamuusayo sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay aas-aaska madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota. Munaasabadan oo sannadka la qabanayo labo maalmood oo isku xiga Sabti October 21, iyo Axad October 22, 2023 ayaa lagu qabanayaa magaaladda Burnsville ee gobolka Minnesota.

Madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota ayaa sannad walba qabta munaasab balaaran oo lagu soo bandhigo sooyalka taariikhda Soomaalida, agabka iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Sidoo kale munaasabaddan ayaa abaal-marin lagu gudoonsiinayaa qaar kamid ah haldoorka bulshadda.

Waxaad akhbaar dheeraad ah oo ay kamid yihiin tigidhadda lagu galayo munaasabadda aad ka heli kartaa bogga madxafka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ee Minnesota : http://www.somalimuseum.org/10th-anniversary.html

Continue Reading

Local News

Ubax Cali oo noqotay wariyihii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah oo TV Minnesota ku yaala wariye ka noqota

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Ubax Cali oo kamid ah Soomaalida deggen gobolka Minnesota ayaa noqotay wariye ka tirsan talefishinka WCCO ee ku yaala magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota. Ubax Cali ayaa taariikh cusub ka dhigtay gobolka Minnesota oo ay deggen yihiin Soomaalida tiro ahaan ugu baddan dalka Mareykanka, kaddib markii ay ka mid noqotay shaqaalaha talefishinka WCCO iyadda oo noqonaysa wariyihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee kamid noqda warbaahinta talefishinka maxaliga ah.

Wariye Ubax Cali oo wareysi soo dhoweyn ah siinaysa talefishinka WCCO oo ay shaqo ka bilowday.

Ubax Cali ayaa horaantii bishii April, 2023 sheegtay in ay ka tagtay shaqadii wariyenimo ee ay ka haysay talefishinka TMJ4 oo ku yaala magaaladda Milwaukee ee gobloka Wisconsin ee dalka Mareykanka. Ubah Cali ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku soo qortay in ay wariye ka noqonayso, shaqana ka bilowday talefishinka WCCO oo ay sannadkii 2017-kii ka ahayd ardayda ka shaqeeya talefishinka WCCO.

Wariye Ubax Cali oo ku sugan talefishinka TMJ4 ee magaaladda Milwaukee oo ay horay uga shaqayn jirtay.

Wariye Ubax Cali ayaa wareysi ay siisay Cathy Wurzer oo ka tirsan warbaahinta MPR News ka hadashay in ay riyadii ay lahayd u rumowday, kana miro dhalisay hamigii ay ka lahayd saxaafadda, ayna maant ku faraxsantahay in ay ku shaqaynayso xifrad ay jeceshahay, iyadda oo weliba cod u noqonaysa bulshadda ay ka soo jeedo iyo dad baddan oo aan ka muuqanin warbaahinta maxaliga ah.

Xigashadda sawiradda: Ubah Ali

Continue Reading

Uncategorized

Deg Deg Hotel ku yaala Gaalakacyo oo qaraxyo iyo weerar lagu galay

Published

on

By

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed ayaa sheegaya in caawa dablay hubaysan weerar qaraxyo ah ay ku qaadeen Hotelka ku yaalla Gaalkacyo ka dibna gudaha ugalay Hotelka dablayda wax weeraratay.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa la sheegay inay deganaayeen Taliyaasha Ciidanka Lugta Jannaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Jannaraal Cabdicasiis Qooje.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Taliyaasha kala ah Cabdicasiis Qooje iyo Cabdixamiid Maxamed Dirir ay ka badbaadeen weerarkaasi lagana saaray Hotelka ayna badqabaan sida aan xogta ku helnay.

Hotelka weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ilaa hadda xabad socoto.

Wixii ku soo kordha kala socda insha allah Wargeyska Tusmotimes.

Continue Reading

Trending