Wararka Soomaalida
Gabar kufsi iyo dil loogu geystay Gedo
Deegaan 10 KM u jira Degmadda Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa 25 kii bishan Febraayo waxaa ka dhacay fal aad u naxdin badan, aadna u fool xun, kadib markii haweenay lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Saalax la iskugu daray kufsi iyo dil. Arrintan ayaa waxaa sameeyey Muxumad Cali Mahad oo qaraabo dhaw ay ahaayeen […]
Deegaan 10 KM u jira Degmadda Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa 25 kii bishan Febraayo waxaa ka dhacay fal aad u naxdin badan, aadna u fool xun, kadib markii haweenay lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Saalax la iskugu daray kufsi iyo dil.
Arrintan ayaa waxaa sameeyey Muxumad Cali Mahad oo qaraabo dhaw ay ahaayeen Marxuumad Xaliimo Cali Saalax. Markii Muxamed uu isku dayey in uu faraxumeeyo haweenaydaas ka dibna sidaas dagaal uu ku dhexmaray asaga iyo Xaliimo Cali Saalax oo ahayd inaadeertiis.
Ninkan dilay Xaliimo Cali Saalax ee lagu magacaabo Muxumad Cali Mahad ayaa waxaa naloo sheegay in uu wakiil ka ahaa nin kale oo Marxuumad Xaliimo Cali Saalax ka dhexeysay arrimo la xariira shukaansi ama wada sheekaysi xodxodasho ah.
Muxumad Cali Mahad ayaa waxaa loo wakiisha in Xaliimo uu ka soo kaxeeyo dhulka Miyiga ah ee Garbahaarey u jira 10 KM kadibna uu ku wareejiyo ninkii sheeko wadaaga ay ahaayeen Xaliimo oo ku sugan Garbahaarey.
Ninkan dilay Xaliimo Cali Saalax oo gurigeeda ka soo ka xeeyey soona waday Masaafo dheer ayaa waxaa dhacday in uu damcay oo uu go’aansaday in uu u galmoodo gabadhii ina adeerka ay ahaayeen, saaxiibkiisna uu u dirsaday.
Kadibna is fahanwaa iyo dagaal yimid awgeed ayuu Muxumad ku ceejiyey Xijaabkii ay xirneed gabadhu, sidaasna ay ku geeriyootay Xaliimo Cali Saalax.
Ninkan dilay Xaliimo Cali Saalax ee lagu magacaabo Muxumad Cali Mahad ayaa waxaa kaloo la sheegay in Maydka Gabadhaas gacantiisa uu ku dilay uu isticmaalay iyada oo mayd ah, waa sida ay inoo xaqiijiyeen ehelada gabadha.
Muxumad Cali Mahad ayaa markii uu ku kacay falkaas foosha xun Bini,aadanimadana ka baxsan waxaa gacanta ku dhigay Al Shabaab oo meesha ay wax ka dhaceen Maamula, waxaana dhacday in markii dambe ninkan qaab farsamaysan uu uga soo baxsaday ama fakaday gacanta Al Shabaab.
Intii uu u xirnaa Al Shabaab ayaa waxay ku xukumeen dil toogasho ah, markii uu ka soo fakaday Al Shabaab ayaa wuxuu soo galay Magaalada Garbahaarey oo markii horaba uu ka tagay markii gabadhan uu doonayey.
Muxumad Cali Mahad oo si dhuumaalaysi ah ku soo galay Garbahaarey ayaa waxaa ka war helay Ciidanka Booliska Garbahaarey howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha Magaaladaas ayey markii dambe u suurta gashay in ninkan dambiilaha ah ay soo qabtaan.
Ninkan dambiga dilka ah gaystay ayaa hadda wuxuu ku xiran yahay Saldhiga Ciidanka Booliska Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.
Muxumad Cali Mahad oo falkan foosha xun geystay ayaa ah nin Xaas iyo Caruur leh, iyada oo hadda xaaskiisa ay leedahay uur dhowr bilood ah, wuxuuna horay u soo maray labo guur.
Mid kamid ah xaasaska uu soo guursaday Muxumad Cali Mahad ayaa waxaa naloo sheegay in Xaliimo Cali Saalax oo uu dilay ay eedo u ahayd, ilmihiisana waalid ugu aadan tahay.
Ninkan ayaa da,diisa waxaa la sheegay in ay tahay 40 jir halka gabadha uu dilay maydkeedana uu kufsaday ay jirtay 25 sanno.
Taliska Ciidanka amaanka Garbahaarey ayaa iyaga iyo Culimada Magaaladaas waxay ku xukumeen dil toogasho ah Muxumad Cali Mahad waxaana lagu waday in maanta abaaro 08:00AM,Subaxnimo xukunkii dilka qisaaskii Xaliimo Cali Saalax lagu fuliyo ninkaas.
War si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya xukunkii dilka qisaaska ahaa ee la doonayey in lagu fuliyo Muxumad Cali Mahad uu dib udhacay.
Mid la mid ah midda lagula kacay Marxuumad Xaliimo Cali Saalax ayaa waxay ka dhacday dhawaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaana loo gaystay Gabar 12 sanno jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho ilyaas Aadan iyadoo hadda lagu howlanyahay soo qabashada raggii Falkaas wuxuushnimada ah kula kacay Caasho ilyaas Aadan ee aan qaangaarin intii ay faraxumeeyeen ka dibna dilay.
Community
OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY
Minnesota –
Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.
Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.
Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.
MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?
Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.
Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.
Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.
Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.
Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.
MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?
Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.
Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.
Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:
1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.
2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.
SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?
Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.
SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?
Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.
MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?
• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.
• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.
• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.
Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:
https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html
HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414
AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.
Somali News
Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay
MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.
Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS
Community
Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay
Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.
Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota.
Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah:
- Kaalinta Koobaad USA CUP
- Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
- Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
- Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA
Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray.
Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen.
-
Local News12 months ago
24-year-man charged with attempted murder, assault for gunfire exchange with Park police
-
Local News12 months ago
Dab ka kacay dhismii ahaan jiray dukaanka Kmart ee ku yaala wadada Lake ee Minneapolis
-
Local News12 months ago
Minnesota honors refugees for their contributions
-
Health12 months ago
Minnesota overdose deaths held steady in 2022
-
Local News3 months ago
Governor Walz Announces Minnesota Ranked as a Top State for Business
-
Local News11 months ago
Nadia Mohamed Makes History as the First Somali-American Mayor in Minnesota
-
Local News3 months ago
Secretary Simon Named President of the National Association of Secretaries of State
-
Health1 month ago
Attention, Minnesota! Measles Outbreak Alert