Connect with us

Wararka Soomaalida

Golaha aqalka sare oo wax ka bedel ku sameeyay qodobo+Sawiro

Kulankii 2-aad kal fadhigiisii 5-aad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta ka furmay xaruntooda ee Magaalada Muqdiaho ayaa waxaa la horgeeyay qodob ku saabsanaa arimaha Caafimaadka oo horay usoo meelmariyeen Golaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Kulankan oo maanta uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi […]

Published

on

Kulankii 2-aad kal fadhigiisii 5-aad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta ka furmay xaruntooda ee Magaalada Muqdiaho ayaa waxaa la horgeeyay qodob ku saabsanaa arimaha Caafimaadka oo horay usoo meelmariyeen Golaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo maanta uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa qodobkan hor keenay Gudiga adeega arimaha bulshada ee Caafimaadka Baarlamanka Aqalka sare ee Soomaaliya.

Dood dheer ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gudigaas adeega Caafimaadka Senator  Dr Cismaan Maxamuud Dufle wuxuuna sharaxaad dheer ka bixiyay muhiimada uu leeyahay qodobkaas maanta ay hor keeneen Golaha aqalka sare.

Senator Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Guddoomiyaha guddi hoosaadka Caafimaadka Waxbarashada iyo Arrimaha bani’aadamnimada ee guddiga adeega bulshada u qaabilsan Aqalka sare ayaa akhriyay warbixinta Qodabada Wax ka bedelka lagu sameeyay iyo kuwa lagu soo kordhiyey si ay u noqdaan  kuwo la jaan-qaadi kara nidaamka mihnadleyaasha caafimaadka ee dalka.

“Guddiga adeega bulshada waxaa uu garowsaday in qabyo qoraalka hindise sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka Qaranka uu u baahan yahay dib u qoris iyo wax ka bedel lagu sameeyo qodobada hindise sharciyeedka maadaama nuqulka ka soo gudbay golaha shacabka u baahday dib u eegis nuxureed iyo mid hab qoraal ah lagu sameeyo iyadoo guddiga dib u qoray isla markaana dib u habeyn balaaran ku sameeyey dhammaan qodobada hindise sharciyeedka isagoo raacay qaabka soo socda 1- dib u habeyn  qaab qoraalka hindise sharciyeedka 2-kordhin nuxur iyo ereyo 3-hagaajin ereybixin, tir-tirid nuxur ama ereyo 5-kala hor marin qodobo faqrado, 6 isku bedelid xarfo iyo nambaro 7- soo kordhin qodobo cusub”ayuu Senator Dufle oo faahfaahin ka siiyey golaha qodobada ugu muhiimsan ee la bedelay iyo sababaha keenay in la bedelo.

Senator Dufle ayaa sheegay in bixinta adeegyada caafimaadka ay leedahay Wasaarada caafimaadka balse guddiga minnadleyaasha caafimaadka ay shaqadiisu tahay kontrolka iyo xaqiijinta tayada iyo aqoonta xirfadleyaasha Caafimaadka si looga hortago dadka aan dhaqaatiirta aheyn ee iska sheeganaya dhaqtarnimada si buu yiri dhacday 30-kii sano ee dalku ku jiray burburka oo shacab badan dhibaato loogu geystay.

“Sida ku qoran nuqulka hindise sharciyeedkan qofka dhaqtarka sheeganaya wuxuu guddiga ka xaqiijinayaa shahaadooyinka uu wato taqasuskiisa iyo khibrada uu leeyahay ka hor inta aan loo fasixin inuu bulshada u adeego”ayuu intaas ku daray Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo ku dheeraaday faahfaahinta sharcigan iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada.

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar iyadoo senatarada qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aadan “Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka waxaana loo balamay ka doodista hindise sharciyeedkan maalmaha soo socda.

Sharcigan ayaa ka soo gudbay Golaha wasiirada iyo aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia wuxuuna hadda hor yaalla golaha aqalka aqalka sare oo marka ay dhamaato akhrintiisa ka doodi doona ka dib cod gelin doona si loo meel mariyo.

Haddii sharcigan la meel mariyo waxaa uu wax badan ka qaban doonaa dhibaatooyinka ka taagan dhaqaatiirta saxda iyo kuwa kale oo bulshadu ku wareertay gaar ahaan kuwa ajaaniibta ah ee dalka la iska soo geliyey si loo hubiyo aqoonta iyo xirfada caafimaad ee ay leeyihiin iyo howlaha ay qabtaan.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Community

OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY

Published

on

By

Minnesota –

Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.

Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?

Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.

Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.

Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.

Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.

Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.

MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?

Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.

Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.

Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:

1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.

2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.

SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?

Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.

SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?

Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.

MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?

• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.

• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.

• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.

Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:

https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html

HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414

AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.

Continue Reading

Somali News

Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay

Published

on

By

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS

Continue Reading

Community

Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay

Published

on

By

Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.

Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota. 

Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah: 

  1. Kaalinta Koobaad USA CUP
  2. Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
  3. Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
  4. Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA

Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray. 

Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen. 

Continue Reading

Trending