Wararka Soomaalida
Gudoomiye Cumar Finish oo amar siiyay gudoomiyaasha Kaaraan iyo Yaaqshid
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Isgoyska Fagax ee kala qaybiya degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshid ka dib cabasho ka timid bulshada ku nool xaafada Fagax ee magaalada Muqdisho.
Cabashada bulshada degan Fagax ayaa waxay ku qotontaa biyo fariistay Isgoyskaasi ka dibna istaajiyay isusocodka bulshada iyo gaadiidka dad weynaha degan degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan iyo sidoo kale iyagoo cabashadooda ku saleeyay in biyahan fariistay Isgoyska Fagax haddii aan loo talin bulshada kala kulmi karaan dhibaatooyin xagga cudurada ah oo ka dhalan kara.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa amar ku siiyay labada Gudoomiye ee Kaaraan iyo Yaaqshid in sida ugu dhaqsiyaha badan shaqo ugu qabtaan biyahaasi bulshada cabashada ka soo gudbisay deg degna looga saaro Isgoyska Fagax si dhibaato cudur uga dhalan biyahan.
Sidoo kale Gudoomiye Finish ayaa amar ku siiyay Gudoomiyaashaasi inay wax ka bedelaan qaabka hadda uu yahay Isgoyska si mar dambe biyo fariisin unoqon Isgoyska Fagax.
Gudoomiyaasha degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan iyagoo fulinaya amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay shaqo ku bilaabeen sidii biyaha fariistay Isgoyska Fagax looga saari lahaa waxayna ku bilaabeen inay booyadaha biyaha dhuuqa kaga saaraan biyahaasi jaray Isgoyska Fagax.
Isgoyska Fagax ee kala qeebiya degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan ayaa wuxuu yahay meel isku xirta labada bulsho muhiimna u ah isusocodka gaadiidka dad weynaha iyo bulshada labada degmo.