Health
JUUL wuxuu la wareegayaa nolosha carruurteena
Zahra Bashir – WellShare International Haddii aad tahay waalid leh ilmo dhigta dugsiga dhexe ama sare, waxaa laga yaabaa in aad la taqaano ‘JUUL’. Haddii aadan aqoonin, hadda weeyaan waqtigii aad ku baran lahayd alaabtan tubaakada ee qabsatay iskuulada Maraykanka oo dhan. ‘JUUL’ waa sigaar elektaroonig ah oo leh qaab qurux badan oo u eg […]
Zahra Bashir – WellShare International
Haddii aad tahay waalid leh ilmo dhigta dugsiga dhexe ama sare, waxaa laga yaabaa in aad la taqaano ‘JUUL’. Haddii aadan aqoonin, hadda weeyaan waqtigii aad ku baran lahayd alaabtan tubaakada ee qabsatay iskuulada Maraykanka oo dhan. ‘JUUL’ waa sigaar elektaroonig ah oo leh qaab qurux badan oo u eg aaladda USB-ga.
Macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku saabsan isticmaalka tubaakada dhalinyarada ayaa muujiyey kor u kac ku yimid isticmaalka tubaakada dhalinyarada. Sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurada (Centers for Disease Control and Prevention CDC)) iyo (National Youth Tobacco Survey NYTS), isticmaalka sigaarka elektarooniga ah ayaa taban-laab kor u kacay intii u dhexeysay 2011 iyo 2015.Tilmaamaha xogta ee laga soo xigtay cilmi baarista dhalinyarada ee Minnesota 2012 (MNYTS) waxay muujinaysaa in 19.2% ardayda dugsiga sare ay isticmaalaan ama isku dayeen sigaarka 30-kii maalmood ee ugu dambeeyey, taas oo kor u kacday 49% intii ka danbaysay 2014 .Waxaa suurtagal ah in tirooyinkan ay hoos u dhigaan badnaanta tubaakada lagu isticmaalayo iskuulada.
JUUL aad ayuu dhalinyarada dhexdeeda caan uga yahay sidaas darteed waxay ula baxaan magacyo sida ‘JUULing’. Inkasta oo 99% sigaarka elektarooniga ah ay ku jirto nikotiin, nooca JUUL waxaa ku jirta ku dhowaad labanlaab caddadka nikotiinka ee laga helo noocyada kale ee sigaarka elektarooniga ah. Hal pod oo JUUL ah, oo ah meesha la isticmaalo ee ay ku jirta dareeraha “e-juice”, waxay u dhigantaa 1-2 baako oo sigaar ah taas oo ku xiran sigaarku nooca uu yahay. Baako sigaar ah ayaa laga yaabaa inay kujiraan 20-25 mg oo nikotiin ah halka JUUL-ka ay ku jirto 59mg/ml ama 45mg halkii pod .
Bartilmaameedsiga carruurteena
Habka loo naqshadeeyey ayaa u ogolaanaya dhalinyarada in ay si muuqata dadka hortooda ugu isticmaalaan. JUUL waxaa lagu jaajgareeyaa USB, si ka duwan sigaarka caadiga ah, qiiqa JUULku ma laha ur xoogan. Dhab ahaantii, dhalinyaro badan ayuu soo jiidanaya JUUL-ku sababta oo ah dhadhamadiisa oo kala duwan sida ; Mango, Cool Cucumber, iyo Crème Brûlée ayaa ah qaar ka mid ah dhadhanka caanka ah.
Dhadhanka waxyaabahan ku jira tubaakada ayaa soo jiita dhalinyarada. Sida laga soo xigtay CDC, saddex meelood ka mid ah ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee isticmaala sigaarka elektarooniga ah ee 2016-ka ayaa sheegay in dhadhanada kala duwan ee sigaarka korontadu uu yahay sababta ay u isticmaalaan. Waxaa sidoo kale jira fikrado khaldan oo dhalinyaradu ay aaminsanyihiin oo ah in sigaarka elektarooniga ah ay ku jirto wax yar oo nikotiin ah ama aysan ku jirinba, balse ay tahay uun qiiq dhadhan leh oo keli ah.
Fikraddan khaldan darteed, dhalinyarada isticmaala JUUL isuma aqoonsana in ay sigaar cabbayaan ama isuma haystaan in ay cabbayaan sigaar korontada ku shaqeeya. Taas, oo ay la socoto sida sahlan ee loo isticmaali karo ayaa dhalinyarada u sahlaya in ay si fudud ku bartaan JUUL, taas oo ka badan sida sigaarka caadiga ah, taas waxay keentaa in ay kor u kacdo halista in ay si fudud u qabatimaan nikotiinka.
Marka qofku bilaabo isticmaalka, nikotiintu waxaa la ogyahay in ay dhaawacdo korriinka maskaxda, taas oo saamayn karta caafimaadka jirka iyo maskaxda. Intaa waxaa dheer, carruurta bilaaba cabista sigaarka elektarooniga ah ayaa aad ugu nugul in ay mustaqbalka isticmaalaan sigaarka caadiga ah iyo waxyaabaha kale ee tubaakada
Waxa aad sameyn karto waalid ahaan:
JUUL wuxuu adeegsadaa xeeladaha xayeysiinta oo hab soo jiidasho leh u tusa dhalinyarada. Waalid ahaan, u noqo tusaale wanaagsan carruurtaada adiga oo sigaar ha cabin hana isticmaalin tubaakada nooc kasta. Kala sheekeyso carruurtaada isticmaalka sigaarka elektarooniga ah iyo waxyeelooyinkeeda badan. Haddii aad ogtahay in ilmahaagu isticmaalayo JUUL ama nooc kale oo tubaako ah, wax ka bar waxyeelada tubaakada, saameynta xun ee jidhka (ilkaha cirridka iyo ciddiyaha, urka neefta) iyo suurtagalnimada in ay horseedo in qofku tubaakada isticmaalo noloshiisa oo dhan. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida aad ilmahaaga ugala hadli karto tubaakada halkan: https://www.lung.org/stop-smoking/smoking-facts/tips-for-talking-to-ids.html.
References:
https://e-cigarettes.surgeongeneral.gov/documents/2016_sgr_full_report_non-508.pdf
https://www.lung.org/stop-smoking/smoking-facts/tips-for-talking-to-kids.html
https://truthinitiative.org/news/4-things-parents-need-know-about-juul-and-nicotine-addiction
https://truthinitiative.org/news/why-rise-youth-e-cigarette-use-may-be-worse-we-think
http://www.health.state.mn.us/divs/hpcd/tpc/docs/2017_myts_highlights.pdf
Xigashadda sawirka: Checkupnewsroom