Connect with us

Local News

Kassim Busuri oo loo dhaariyay xilka, taariikh cusubna dhigay

Munaasabad aad u balaaran oo lagu qabtay magaalada Saint Paul ayaa saaka subixii si rasmi ah loogu dhaariyey Kassin Busuri Gollaha Degaanka Degmadda Lixaad ee magaalada St. Paul. Kassim Busuri ayaa islamarkaana xilka si toos ah ula wareegay. Magaalada Saint Paul ayaa ah magaala madaxda gobolka Minnesota. Kassim ayaana maanta si rasmi ah u noqday […]

Published

on

Munaasabad aad u balaaran oo lagu qabtay magaalada Saint Paul ayaa saaka subixii si rasmi ah loogu dhaariyey Kassin Busuri Gollaha Degaanka Degmadda Lixaad ee magaalada St. Paul. Kassim Busuri ayaa islamarkaana xilka si toos ah ula wareegay.

Magaalada Saint Paul ayaa ah magaala madaxda gobolka Minnesota. Kassim ayaana maanta si rasmi ah u noqday Gudoomiyaha Degmadda 6-aad ee magaalada St. Paul.

Munaasabaddan taariikhiga ah ee lagu dhaariyay Kassim Busuri ayaa waxaa kasoo qayb galay, qoyskiisa, madaxda ugu  saraysa gobolka, siyaasiyiin, culumo, iyo waliba qaar kamid ah jaalliyada balaaran ee Somaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Saint Paul iyo gobolka Minnesota.

Haddaba Somaalida ku dhaqan magaalada Saint Paul iyo magaalooyika nawaaxigooda ayaa soo buux dhaafiyey madasha iyo munaasabaddan lagu dhaariyay Kassim Busuri, iyagoo muujiyey shucuur qiiraysan kana tarjumaysa taagerida ay u hayaan gudoomiyihii u horeeyay ee ka soo jeeda qowmiyada Soomalida iyo Muslimka ee xilka Gudoonka Degmo ka qabta magaalada Saint Paul.

Kassim Busuri oo ah aqoon-yahay da’yar ayaa maanta si rasmi ah u noqday shaqsigii u horeeyey ee Muslim ah, Soomaali ah ee noqda gudoomiye degmo magaalada Saint Paul.

Culumaa’udiinka gobolka  oo uu hogaaminayey Sheekh, Dr. Xassan Jaamici iyo marti kale ayaa iyagu kaalin weyn ka qaatay munaasabaddan lagu dhaariyay gudoomiye Kassim Busuri. Waxaana dhamaan dadkii nasiibka u yeeshay in ay ka soo qayb galaan munaasabaddan taariikhiga ah ka muuqday kalsooni iyo farxad aan abid horay loo arag.

Munaasabadaasi ayaa kusoo gebagabowday jawi wanaagsan iyo farxad. Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo duqa magaalada Saint Paul ayaa iyagu soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee xubinta sida rasmiga ah uga noqday Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Saint Paul.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Local News

Hudda Ibrahim oo xil loo magacaabay islamarkaana ay ansixiyeen guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud

Published

on

By

Saint Cloud – Guddiga golaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota ayaa Dr. Hudda Ibrahim u magacaabay in ay kamid noqoto guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud. Hudda ayaa qabanaysa xilkii uu hayey Jake Anderson oo bishii November loo doortay in uu noqdo duqa magaaladda Saint Cloud.

Dr. Hudda Ibrahim ayaa waxaa u codeeyay dhamaan xubnaha guddiga gollaha deegaanka magaaladda Saint Cloud ee gobolka Minnesota. Dr. Hudda Ibrahim ayaa taariikh cusub ka dhigtay magaaladda Saint Cloud. Waxay noqotay qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dowladeed ka qabta magaaladda Saint Cloud.

Xigashadda sawiradda: Xidig TV

Continue Reading

Local News

Magaaladda St. Paul oo bixisay deymo lagu lahaa 32,000 oo qof

Published

on

By

SAINT PAUL – Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa bixisay dhamaan deymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa 32,000 oo qof oo deggen magaaladda. Duqa magaaladda St. Paul iyo shaqaalaha howshan ka shaqeeyay ayaa todobaadkan waraaqo u diraya 32,000 oo qof oo ay u sheegayaan in dhamaan wixii dayn caafimaad ee lagu lahaa laga bixiyay, lagan tirtiri doono.

Arrintan oo aad loo hadal hayo ayaa waxaa balanqaaday duqa magaaladda St. Paul Melvin Carter markii uu ku jiray ololaha doorashadda ee dib loogu doortay. Haddaba magaaladda St. Paul ayaa tirtirtay daymo qiimo ahaan ah $40 milyan oo ah daymo la xiriira caafimaadka oo lagu lahaa dadka deggen magaaladda. Duqa magaalada St. Paul Melvin Carter ayaa sheegay in qorshahan looga golleeyahay in taageero la siiyo dadka daynta lagu leeyahay ee deggen magaaladda St. Paul si culeyksa dhaqaale looga qaado, loona garab qabto oo loo kaalmeeyo.

Continue Reading

Local News

NINKII SHANTA GABDHOOD SHILKA KU DILAY OO DIIDAY HESHIIS QIRASHO AH, GO’AANSADAYNA IN MAXKAMAD LA HORGEEYO

Published

on

By

MINNEAPOLIS – Derrick Thompson oo ah ninkii shanta gabdhood ee Soomaalida ah shil gaadhi ku dilay ayaa diiday heshiis qirasho ah oo ay haweenayda ah Xeer-ilaaliyaha Degmadda Hennepin soo hordhigtay, balse ninkan ayaa sheegay in uu beddelkeeda maxkamadayn doonayo. Ninkan ayaa ku eedaysan dil darajada saddexaad ah iyo dil baabuur oo lagu eedeeyay in uu baabuur ku dhacay oo uu dilay shan gabdhood oo saaxiibo ah isaga oo ka baxsanaya booliiska.

Bishii hore ayeey maxkamad heer federaal ah ninkan ku heshay dhowr dembi oo la xiriira dilka gabdhaha. Qareenada Degmadda Hennepin ayaa xaqiijiyay in Derrick Thompson iyo qareenada difaacaya ay diideen heshiiska qiraalka ah, iyaga oo door biday in dacwadda la billaabo Febraayo 18, 2025 oo maxkamad la aado.

Derrick Thompson ayaa lagu soo oogay shan dacwadood oo kala ah dil darajada saddexaad ah iyo 10 fal dambiyeed dil baabuur ah oo sababay dhimashada shan gabdhood oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 20 jir: Salma Mohamed Abdikadir, Sahra Liban Gesaade, Sagal Burhaan Hersi, Siham Adan Odhowa, and Sabiriin Mohamoud Cali.

Continue Reading

Trending