Connect with us

Wararka Soomaalida

Madaxtooyada Soomaaliland oo jawaab ka bixisay Xariga X/dhakool(Akhriso)

Xabsi ku yaala Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ku xiran Xildhibaan ka mid ah Golaha Baarlamanka Maamulka Soomaaliland ka dib markii uu warbaahinta ka jeediyey hadal ay dhibsadeen madaxda Maamulkaas. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa in ka badan 20 habeen ku hooyanaya Xabsiga Magaalada Hargaysa ka dib markii uu ka hadlay rayigiisa ku […]

Published

on

Xabsi ku yaala Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ku xiran Xildhibaan ka mid ah Golaha Baarlamanka Maamulka Soomaaliland ka dib markii uu warbaahinta ka jeediyey hadal ay dhibsadeen madaxda Maamulkaas.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa in ka badan 20 habeen ku hooyanaya Xabsiga Magaalada Hargaysa ka dib markii uu ka hadlay rayigiisa ku aadan 18 May oo maamulka Soomaaliland ay u dabaal degaan xiligii ay ku dhawaaqeen gooni isu taaga Maamilkaas 1991kii wuxuuna ku tilmaamay Xildhibaanka munaasabadaas mid Xisbi gaar ahi uu leeyahay.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa waxaa jeelka u dhaadhiciyey Ciidanka Booliska Maamulka Soomaaliland waxyar ka dib markii hadalkaas uu gaaray Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland.

Arinta xariga Xidhibaan Dhakool ayaa shalay waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro wuxuuna ku tilmaamay mid sharcidaro ah inuu yahay Xariga Xildhibaanka.

Haddaba waxaa galabta hadalkaas Xisbiga Wadine ka soo yeewray war ka soo saaray Madaxda Talada Maamulkaas haya ee Soomaaliland Madaxtooyada Maamulkaas War saxaafadeed ka soo baxay ayaa wuxuu jawaab u yahay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Afhayeenka Maamulka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo saxaafadda u Akhriyey War saxaafadeedkaas oo seddax qodob ka kooban ayaa wuxuu ku sheegay mid gef ah oo uu galay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Sidan ayuu uqornaa War saxaafadeedka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland ka soo baxay.

Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci ee uu Qarannimada ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci darro iyo dastuur jebin

Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay.

Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn
Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland
Maalintii la qixiyey beelaha Soomaaliland

Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali,sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran.

Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo.

Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin:

1. Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

2. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan carruurtooda iyo dumarkooda.

3. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga, warkaas oo uu ku baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba, danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka ciqaabta

Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo inay 18 May tahay maalin madow,
Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma maalin cad baa mise waa maalin madow.

Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Community

OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY

Published

on

By

Minnesota –

Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.

Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?

Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.

Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.

Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.

Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.

Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.

MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?

Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.

Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.

Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:

1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.

2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.

SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?

Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.

SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?

Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.

MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?

• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.

• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.

• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.

Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:

https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html

HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414

AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.

Continue Reading

Somali News

Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay

Published

on

By

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS

Continue Reading

Community

Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay

Published

on

By

Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.

Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota. 

Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah: 

  1. Kaalinta Koobaad USA CUP
  2. Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
  3. Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
  4. Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA

Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray. 

Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen. 

Continue Reading

Trending