Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday dhaawacyada+Sawiro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland ayaa goordhow booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala […]

Published

on

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland ayaa goordhow booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Cas-Casey ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan ee Isbitaalka waxaa uu Madaxweynaha tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxii iyo weerarkii ka dhacay hotel Cas-Casey isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyada qaba.

Waxaa kale Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin Waxaa Madaxweynaha uu sheegay in Al-Shabaab ay ka go’antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynaha ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.  

Weerarkii lagu qaaday hotel Cas-Casey ayaa waxaa sheegtay kooxda Al shabaab iyagoo sheegay inay weerarkaas ay ku dileen saraakiil iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee Hotel Cas-Casey ayaa sheegaya in Caadamada amniga Jubbaland ku dadaalayaan sidii ubadbaadin lahaayeen dadka nool ee wali ku jira gudaha hotelka iyadoo la sheegayo in kooxdii gudaha ugashay hotelka wali Rasaas ka soo ridayaan gudaha hoteelka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version