Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Cuba oo Taleefon ku wada hadlay
Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez ayaa Taleefon usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida uu sheegay Madaxweyne farmaajo iyagoo arimo dhowr ah oo ay ku jirto hagaajinta xiriirka labada dowladood ka wada hadlay. Miguel Díaz-Canel Bermúdez Madaxweynaha Cuba oo ku sugan Caasimadda dalka Cuba ee Havana ayaa usheegay Madaxweyne Farmaajo in […]
Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez ayaa Taleefon usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida uu sheegay Madaxweyne farmaajo iyagoo arimo dhowr ah oo ay ku jirto hagaajinta xiriirka labada dowladood ka wada hadlay.
Miguel Díaz-Canel Bermúdez Madaxweynaha Cuba oo ku sugan Caasimadda dalka Cuba ee Havana ayaa usheegay Madaxweyne Farmaajo in ujeedka ula soo xiriiray ay ugubweynta hay soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee beri ka dhaxayn jiray Soomaaliya iyo Cuba.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku cadaynayo inuu la soo xiriiray Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez ayaa sheegay inay ka wada hadleen wanaajinta iyo soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood ka dhaxaynjiray.
Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Cuba ayaa wuxuu xumaaday oo uu kala go,ay sanadka markuu ahaa 1977-dii dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia ka dib markii Cubanka ay la safteen Ethiopia.
Xiriirkan uu la soo sameeyay Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo labo dhaqtar oo udhalatay dalka Cuba Al shabaab ka soo afduubteen bishii April ee sanadkan Degmada Mandheera ee Waqooyi beri dalka Kenya.
Al shabaab ayaa dhaqaatiirtaas Cubanka ah la soo aaday dhinaca Soomaaliya iyagoo ilaa hadda ku haya gudaha Soomaaliya sida xogta lagu helayo.
Kooxda Al shabaab ayaa shuruud lacageed ku xiray siidaynta dhaqaatiirta labada ah ee u dhashay dalka Cuba.