Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xaalada Muqdisho
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salaadii jimaca ka dib waxaa uu si adag ugu hadlay xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Ciidamada amaanka ee Muqdisho ay hayaan howl muhiim ah oo amaanka lagu sugayo. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in howlgalada ka socda ka socda xaafadaha kala duwan […]
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salaadii jimaca ka dib waxaa uu si adag ugu hadlay xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Ciidamada amaanka ee Muqdisho ay hayaan howl muhiim ah oo amaanka lagu sugayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in howlgalada ka socda ka socda xaafadaha kala duwan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir looga goleeyahay sidii looga hortegi lahaa qatarta ay sheegayaan Kooxda Al shabaab ayna ka damacsan yihiin shacabka kunool Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al shabaab hal ujeedo lahayn kaliya ujeedooyinkooda ay yihiin laynta shacabka,carqaladaynta inta yar ee nolosha,ah ee shacabka ay dareemayaan iyo sidoo kale in muqdisho ay ka dhigaan meel markasta dhiig ku daadanayo.
Sidoo kale intii uu ka hadlayey arrimaha Al shabaab iyo wewrarada Muqdisho ayaa Madaxweynaha wuxuu ku tilmaamay in ujeedadooda ugu weyn ay tahay in la yirhaado Soomaaliya dowlad kama jirto.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u dulqaataan xirnaashaha wadooyinka Muqdisho inta howlgala amaanka lagu sugayo ay socdaan si looga miradhaliyo howlgalada ka socda Muqdisho.
Madaxweynuhu wuxuu intaas warkiisa ku daray labada sano ee dowladdiisa uhartay in xoogga ay saarayaan ka shaqaynta amaanka Soomaaliya iyo soo afjarida Kooxda Al shabaab si dowladda ka dambeysa aaney ugu mashquulin amaanka ayna ka shaqeeyaan horumarka dalka.
“Waxaan doonaynaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah, dowladihii hore dadaal badan ayey ku bixiyeen ka shaqeynta amaanka balse anaga waxaana rabnaa dowlada dambe in aysan amaan ka fekerin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hadalkan ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka jeediyey Masjidka ku dhaxyaala Madaxtooyada ee Villa Soomaali ee Madaxda Soomaaliya ay ku Dukudaan Saaladda Jimacaha.