Wararka Soomaalida
Maxkamadda ICJ oo war soo saartay
Maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ ayaa caawa soo saartay war ku saabsan inay dib udhigtay dhageysiga dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeya oo lagu waday in lagudagalo 9 bishan September ka dib markii Kenya warqad udirtay Maxkamadda kana codsatay in arimo haysto Dowladda Kenya awgeed dib loogu dhigo muddo ku siman 12 bilood ama sanad.
ICJ ayaa dhageysiga muranka Badda ee labada dowladood dib udhigtay muddo labo bilood ah iyadoo la eegayo codsiga isdabajooga ah ee markasta ka imaanaya dhanka Kenya balse dalabkoodii ahaa Sanad laga diiday laguna soo koobay in dib loo dhigo labo bilood.
Kulan deg deg ah oo caawa ka dhacay xarunta Maxkamadda ICJ oo ay iskuuga yimaadeen madaxda Maxkamadda ayaa lagu go,aamiyay muddadaas labada bil ah inay Kenya ku diyaar garoobaan islamarkaana laga yeeli doonin mardambe Kenya dalab kale oo codsi ah kuna saabsan dib udhigis iyo muran kale inay la yimaadaan.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ufadhiya Cali Siciid Fiqi oo lahadlay Saxaafadda ayaa xaqiijiyay in ICJ dib udhigtay dhageysiga Kiiska ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya dibna loo dhigay Kiiskaasi muddo labo bilood ah.
Kenya ayaa ku marmarsiyoonaysa inay kala eriday Qaraanadeedii ee dacwada difaaci lahaa ayna ku howlan tahay diyaarinta Qareeno cusub.
Madaxda Kenya ayaa waxaa walaac xooggan ka hasytaa qaabkii ugu badbaadi lahayd Kiiskan kala dhexeeya Soomaaliya ee arimaha Badda ku saabsan.