Wararka Soomaalida

Odayaasha Galmudug oo ka soo horjeestay dalabka Ahlusuna(Akhriso)

Published

on

Odayaasha dhaqanka Beelaha Galmudug dega oo caawa shir ku yeeshay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay inay ka go,an tahay dib u dhiska maamulka Galmudug oo loo dhan yahay cidii arimahaas ka soo horjeedana warkooda dhageysanayn ilaa maamulka ay ka dhisaan.

Waxay intaas ku dareen hadalkooda Odayaasha in marnaba aysan aqbali doonin in Xildhibaanada Galmudug ee tiradoodu tahay 89 mudane wax lagu daro ama laga badiyo waxayna wacad ku mareen in cidii arintaasi ku dhaqaaqda talaabo cad ay ka qaadi doonaan.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa sidoo kale ku dhawaaqay haddii Ahlusunna la siiyo 35 Xildhibaan dowladda dhexena ay ogolaato arinkaasi inaysan ka qayb gali doonin dhismaha maamulka Galmudug oo faraha ka qaadayaan iyadoo hadda Ahlusuna dowladda federaalka Soomaaliya ku cadaadinayaan in tiradaasi laga siiyo golaha Baarlamanka Galmudug haddii kale ay qaadhacayaan maamul usamaynta Galmudug.

Haddaba hoos ka Akhriso baaqa Odayaasha ay soo saareen.

Trending

Exit mobile version