Wararka Soomaalida

Sacudiga oo joojiyay dhoofka xoolaha qaar ka mid ah wadamada bariga Africa

Published

on

Boqortooda Sacudiga ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen dhoofkii Xoolaha ee ugu yimaanjiray wadamada Jabuuti iyo Sudan ka dib war maanta ka soo baxay Ururka caalamiga ah ee caafimaadka Xoolaha OlE ee Sacudiga iyagoo sheegay Ururkaas in Wadamada Sudan iyo Jabuuti uu ka dilaacay cudurka Rift Valley fever sidaas awgeed iska joojiyeen iibka Xoolaha wadamadaas ugu imaanjiray.

Wasaaradda Degaanka,Biyaha iyo Beeraha dalka Sacudiga ayaa sheegtay in tijaabo caafimaad oo laga qaaday Xoolo ka soo dhoofay dalka Jabuuti laga helay cudurka Rift Valley sidaa darteed dib iskiiga celiyeen iyagoo intaas intaas warkooda ku daray in Sacudiga uu malaayiin lo’ ah kasoo dhoofsaday Sudan iyo Jabuuti intii lagu jirey sanadkan Hijriga ah, joojinta kahor balse intaas wixii ka dambeeya taxadir xoog leh ay sameeyeen.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda deegaanka Sacdiga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabalkhail ayaa wuxuu sheegay inay haystaan suuq kale oo ay xoolo ka soo dhoofsadaan sida dalalka Jordan,Uruguay ,Eritrea, Ethiopia Australia,New Zealand,Pakistan, Georgia Portugal,Hungary,Kazakhstan,Romania China,Mongolia, Argentine, Brazil iyo Maraykanka.

Soomaaliya ayaan liiskan lagu soo darin dalalka xoolahooda laga joojiyay Sacudiga iyadoo ganacsato farabadan oo Soomaali ah Sacudiga xoolo u iibgeeyaan.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda deegaanka Sacudiga Cabdullaahi Cabalkhail dalalkan hadda ay uwreegeen ayaan la tartami karin kuwa Afrika marka la eego tirada,tayada iyo sicirka xoolaha isagoo ku macneeyay qiimaha xoolahooda oo aad qaali u,ah xagga tayada oo xataa aad u liita marka loo eego xagga cimilada ay ku nool yihiin xoolaha wadamadan hadda ay u wareegeen.

Trending

Exit mobile version