Connect with us

Wararka Soomaalida

Shirka Madasha Muqdisho oo la soo gaba gabeeyay(Akhirso)

Published

on

Maalintii talaadada ee shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Madasha wadatashiga ee arimaha Soomaaliya iyadoo markiisii ugu horaysay lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgalay wadamo farabadan oo caalamka qeebahiisa kala duwan ka socday islamarkaana iskuuga jiray wadamada Carbeed iyo reer Galbeedka intuba.

Shirkan oo markii hore lagu qabanjiray dalka Belgium-ka gaar ahaan caacumadiisa ee Brussels ayaa waxaa sannadkan lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana looga hadlayay arimaha amniga,dhaqaalaha,siyaasada loo dhan yahay,Caafumaadka,waxbarashada,Faya dhowrka deegaanka,Biyaha iyo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021 iyo 2022-ka ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo doorashada qof iyo Cod ah.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulada hoos yimaada dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish uu qayb ka ahaa martidii lagu casuumay shirka.

Dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxaa shalay Shirkaasi furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar waxaana maanta soo xiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana laga soo saaray Warmurtiyees qeexaya waxyaabihii shirkaas lagu falanqeeyay.

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka Shirka.

Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku waxay 1dii iyo 2dii bishan Octoobar 2019 kulan ku qaateen magaalada Muqdisho kulankaasoo ka mid ahaa kulamadii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

Ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu abbaarayo caqabadaha harsan.

Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood.

Sidaa soo kale waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo u gurmashada dhibaatoyinka banii’aadam nimada, u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka sameynta dhidhibada siyaasad loo dhanyahay xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka, ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha laga tirada badanyahay.

Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020.

1-Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda labada dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

2-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee socda, in ay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab iyo in ay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta u leh amniga, caddaaladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Iyadoo diiradda lagu hayo arrimaha kor ku xusan ayaa 2020 si wadajir ah la iskula aqoonsanayaa loona qorsheynayaa, si loo xaqiijiyo in dhammaan qeybaha ku shaqada leh ay mideeyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan inay ku bixiyaan meelihii lagu heshiiyay.
Saaxiibada Caalamka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay taageeraan sidii loo heli lahaa ciidammo amni oo u hoggaansan dhowrista xuquuqda aadanaha taas oo ay ka mid tahay xuquuqda dadku u leeyihiin helista caddaalad, kana shaqeeyaan xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, iyo geeddi socodka dib u haybenta shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidammada.

Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan qaadista tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo xaalad kala guur oo xasilloon oo ay AMISOM arrimaha amniga dalka ugu wareejineyso Ciidammada Amniga Soomaaliya sidoo kale waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wada jir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi socodka doorashooyinka federaalka iyo xoojinta amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada barnaamijka deyn cafinta ee hay’adda lacagta adduunka ( SMP4) iyadoo saaxiibbda caalamkana ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu dul dhisayo guulaha la gaaray iyo in la qaado talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo go’aannada muhiimka ah ee 2020 ee la xiriira deyn cafinta waddammada saboolka ah saaxiibbada caalamku waxa ay soo dhoweeyeen kulan howleedkii Addis Ababa ee ku saabsanaa geeddi socodka deyn cafinta, waxa ayna ku dhiirri geliyeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan dadaalladooda heerka siyaasadeed, si loo xoojiyo loona horumariyo hannaanka maaliyeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.

Si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay qabato doorasho qof iyo cod ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021 waxaa ka go’an hay’daha fulinta iyo xeer dejinta dalka in ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka bisha December 2019.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhammeystirto dib u eegista dastuurka bisha June 2020, ansixinta dastuurka ka dib marka wax ka baddelis lagu sameeyo, in la dhiso Maxkamadda dastuuriga ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadista geeddi socodka dhab-u heshiinta Qaranka, iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin haweenku gaarista go’aannada siyaasadeed ee dalka saaxiibbada caalamku waxa ay oggolaadeen in la dhiirri geliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo urururta dhaqaale dowladdu ku maalgeliso ansixinta shuruucda hortabinta leh si loo taageero howlaha la soo sheegay, iyo in laga caawiyo Soomaalia in howlahaasi ku qabsoomaan xilliyadii loo qorsheeyay.

3-Soomaaliya waxaa ka go’an in ay mudnaanta koowad siiso xoojinta dhallinayarada iyo in loo abuuro fursado shaqooyin. Iyadoo la dhisayo u adkeysiga, loona marayo badbaadinta bulshada, in loo helo xal waara arrimaha qaxootiga, dadka waddanka dib ugu noqonaya iyo barakacayaasha gudaha, iyadoo la xushmeynayo, mabaadi’da bani’aadamnimada iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegga bulshada taas oo noqonaysa in si wanaagsan isula jaanqaadaan taageeridda arimaha horumarinta mudnaanta la siinayo qorshaha horumarinta qaran ee 9aad, xoojinta awoodda dowladda si ay u bixiso adeegyada bulshada, si kor loogu qaado awoodda baniaadmnimo, gaar ahaan in la buuxiyo, inta ka dhiman kaalmada qorshaha baahida bani’aadamnimada ee 2019.

Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxaa ay isku raaceen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha adeegyada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku talo jirtaa in sameyso, siyaasad qaran oo lagu xallinayo is-beddelka cimilada iyo in ay sameyso shuruuc dhiirrigalineysa shaqo abuur .

Soomaaliya waxaa ay sameysay horumar sanooyinkii la soo dhaafay taas oo ay mahadeeda leedahay iskaashigii xoogannaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Waxaa ay isku raaceen in ay xaqiijiyaan isna waafajiyaan dadaalladooda, iyada oo kor loo qaadayo isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo, hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulayo hey’adaha qaranka iyo hey’adaha caalamiga ah, taas oo ay ku jiraan in loo sameeyo shuruuc badbaadineysa hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo sidoo kale in lagu daro, dastruurka ku meel gaarka ah iyo sharciga xuquuqal aadanaha, iyo in hey’adaha aan dowliga aheyn ay ku dhaqmaan shuruucda dalka.

Madashu waxaa ay xaqiijineysaa ballanqaadyada dhammaan ka qeybgalayaasha madasha iskaashiga saaxiibada caalamka iyo mabaad’ida ku saleysan hanaanka isla xisaabtan loo wada dhanyahay si kor loogu qaado dadaallada wada-jira ee ku aadan mustqabalka ifaya ee Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha madashu waxaa ay bogaadiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dalalka ugu yaboohay ciidamada AMISOM sida geesinimda leh naftooda ugu huray soo celinta nabada Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay caddeyneysaa in ay Sharaf iyo qadarin u heyso dhammaan saaxiibada caalamka ee taageerada kula garab istaagay dib u dhiska dowladnimada, horumarka xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhamaad.

Continue Reading

Community

OGEYSIIS: XANUUNKA JADEECADDA OO MINNESOTA KU FAAFAY

Published

on

By

Minnesota –

Waxaad Tusmo Times uga barateen in aan idinla wadaagno oo aan idin wargelino akhbaar, warar iyo macluumaad la xiriira ammniga, bed-qabka bulshadda iyo arrimaha guud ahaan saameeya bulshadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Haddaba maanta waxaan idinla wadaageynaa fariin, macluumaad iyo wargelin muhiim ah oo ku socota qoysaska iyo bulshadda Soomaalida oo la xiriirta caafimaadka.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay in Cudurka Jadeecada oo bishii shanaad ee May ka bilowday gobolka Minnesota uu faafay, cudurkan ayaa ku faafay oo soo riday 39 carruur ah, sidoo kale tiradda carruurta ama dadka uu ku dhacay ama laga helay cudurka jadeecadda ee gobolka Minnesota ayaa 40 qof maraya sannadkan.

Ha’yadda Caafimaadka Aduunka ee (World Health Organization) ayaa sheegtay in 136,000 oo qof in ay u dhinteen cudurka jadeecada dunida oo dhan sannadkii 2022-ka.

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay sannadkii 2000 in cudurka Jadeecadda gebi ahaanba dalka Mareykanka laga tirtiray oo saameeyntiisa la so oaf-jaray. Balse sannadkii 2017-kii ayuu cudurku dib uga dilaacay gobolka Minnesota, wuxuuna ku dhacay 70 qof oo u baddan Soomaali. Sannadkii 2022 ayuu markale cudurku dib ugu faafay gobolka Minnesota markii laga helay dhowr qof oo dalka dibadiisa u safray.

MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARBIXINTAN LA XIRIIRTA CUDURKA JADEECADA?

Jadeecadu waa xanuun la kala qaado oo uu fayrus keeno, kuna faafa hawada, qofkuna qufac iyo hindhiso yeesho. Cudurka Jadeecadu waa caabuq uu talaal baajin karo.

Haddaba faafitaanka cudurkan jadeecada, gaar ahaan saameynta uu ku leeyahay carruurta Soomaalida oo iyagu u baddan 30 qof ee uu cudurku soo ritay ayaa la xiriirta, loona aaneynayaa talaal la’aanta ama carruurta aanan talaalneyn.

Marka ay qoysasku socdaalaan ama safar ay ku tagaan wadamo qaarada Africa kamid ah, carruurtooduna ayna talaalneyn waxay keentaa in ay qaadaan cudurka, kaddibna ku faafo qoyska iyo bulshadda inteeda kale. Waana mida keentay in uu mudo kooban cudurku ku faafo Minnesota, gaar ahaan carruurta Soomaalida.

Waxaa jira dugsi kamid ah dugsiyadda ku yaala gobolka Minnesota oo ay maamulka dugsigu iskood u xireen dugsiga si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Jadeecada.

Waxaa bilowday oo dib loogu noqday Iskuuladii. Sidoo kale waxaa jira goobo ay kamid yihiin XANAANOOYINKA, DUGSIYADDA, ISKUULADDA, GOOBAHA LAGU CIYAARO IYO XARUMO KALE oo ay si gaar ah carruurta Soomaalidu u tagaan, uguna xiran yihiin, waana arrin kordhin karta faafitaanka cudurka oo walwalkeeda leh.

MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA JADEECADU?

Calaamadaha jadeecada waxay badanaa yimaadaan marka hal ilaa laba todobaad kaddib qofku la kulmo cid qabta cudurkan. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah oo qofka ka dareera, qufac, indhaha oo casaan noqda. Dhibco yaryar oo cadaan ah ayaa kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa qofka ka soo yaaca oo ay u dheertahay xumad baddan oo gaaraysa (104°F) taas oo timaada saddex ilaa shan maalmood kaddib marka calaamadaha u horeeyay la arkay.

Finanka qofka ka soo baxa ayaa bilaaba in ay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ka soo baxa, kaddibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale. Ka dib marka finanku faafaan, waxaa dhici karta in ay finanka kala duwan isasoo gadhaan.

Dhibaatada iyo saameynta caafimaad ee uu cudurkani leeyahay waxaa kamid ah:

1. Caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo keena in isbitaalka la isku dhigo, waana sababaha ugu waawayn ee ay carruurtu ugu dhintaan cudurka jadeecada, ama isbitaal in mudo ah loo seexiyo.

2. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan ku dhacda garaadka qofka.

SIDEE AYEEY CARRUURTU KU QAADI KARAAN JADEECADA?

Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qof sagaal qof oo ah kuwa aanan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada maadama uu qufac iyo hindhiso wato. Carruurta qaaday jadeecadu waxay neefsadaan hawo uu la socdo fayruska cudurka keena. Qofka cudurkani uu ku dhacay marka uu taabto meel, tusaale ahaan marka ay taabtaan indhahooda, sankooda ama afkaba waxa ay ku reebaan fayruska. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaan ama ku faafin karaan laga bilaabo maalinta afraad iyo wixii ka danbeeya oo dhan.

SIDEE LOO DAAWEYN KARAA JADEECADA?

Ma jirto dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Balse waxaa jira ka hortag uu talaalku know ka yahay iyo isticmaalka Fiitaamiin A-ga oo taakulo kaalmo ah keeni kara. Balse Fiitaamiin A-gu kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.Waxa ugu wanaagsan ee la hubo ee kahortaga keena waa Talaalka MMR-ka.

MAXAY QOYSKU SAMAYN KARAAN SI AY UGA HORTAGAAN JADEECADA?

• Talaalka MMR ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee la iskaga ilaalin karo jadeecada. MMR waa talaal amaan ah oo wax ku ool ah. Laba xadi ama laba jeer oo kala duwan oo Talaalka MMR-ka ah ayaa boqolkiiba 97% kahortagi kara jadeecada. Eeg ama waydii dhakhtarka carruutaada diiwaankaaga talaalka cunugaaga si aad u xaqiijiso in MMR iyo talaalada kale ee ay carruurtaadu qaateen. Carruurtu waxay u baahan tahay laba xadi oo talaalka MMR-ka ah; xadiga kowaad ama midka koobaad waxaa la siiyaa marka ay yihiin 12-15 bilood jir ka labaadna waxaa lasiiyaa mark ay lix sanno jir yihiin.

• La soco oo horay u qorshee haddii qoyskaagu uu diyaar u yahay in uu safar caalami ah oo wadanka looga baxo uu galo. Carruurta yaryar ee 6 bilood kayar waxay qaadan karaan talaalka MMR-ka ka hor inta ayna safrin si aad u taxadartaan oo caafimaadkooda u ilaalisaan. Carruurta waawayn waxay sidoo kale haboon in ay qaataan xadiga labaad ama qaybta labaad ee talaalka MMR-ka. Kala hadal dhakhtarka kuu daryeela carruurta wixii khatar ah ee carruurtu kala kulmi karaan socdaalka iyo safarka aad galeysaan.

• Waxaa dhici karta in ay jiraan xubno qoyskaaga ah oo aan lasiin karin talaalka MMR-ka oo ay ku jiraan carruurta, dumarka uurka leh iyo dad kale oo difaaca jidhkoodu diciif yahay sababo la xiriira caafimaadkooda. Haddaba haddii ay qoyskaaga kamid yihiin dad ku sugan marxaladahan caafimaad, fadlan la xiriir dhakhtarkaaga, kalana tasho safarka aad galayso iyo sidii aad caafimaad ahaan isku badbaadin lahaydeen.

Halkan kala soco warbixinta caafimaad ee ku saabsan faafitaanka Jadeecada iyo macluumaad muhiim ah oo la xiriira:

https://www.health.state.mn.us/diseases/measles/index.html

HADDABA HADII AAD QABTO SU’AALO LA XIRIIRA FAAFITAANKA CAABUQA JADEECADA AMA AKHBAAR DHEERAAD AH AAD U BAAHAN TAHAY FADLAN LA XIRIIR WAAXDA CAAFIMAADKA EE GOBOLKA MINNESOTA ADIGA OO WACAYA TALEEFANKA QAYBTA KA HORTAGA CUDURADA FAAFA 651-201-5414

AMA LA XIRIIR DHAKHTARKA DARYEELA QOYSKA IYO CARRUURTAADA.

Continue Reading

Somali News

Xafladda Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo si heer sarre ah ku dhamaatay

Published

on

By

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Musaasabaddan lagu caleema-saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo ay kulmisay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Xigashadda Sawiradda: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS

Continue Reading

Community

Munaasabad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada kooxda Twin Cities Sanaadkan soo hoysay

Published

on

By

Waxaa magaallada St. Paul ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad loogu dabaal degay guulaha ay dhallinyarada iyo da’ayarta kooxda kubadda cagta ee Twin Cities Youth Soccer Club. Munaasabadan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa sannadkan hal ku dhigeedu ahaa “Dhallinyaradena, Mustaqbalkeena”.

Naadiga kubadda cagta ee Twin Cities ayaa ka kooban 180 dhallinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 5 sanno ilaa iyo 15 sanno. Da’yartan iyo dhallinyaradan naadiga Twin Cities Soccer Club u ciyaara ayaa ka kooban 12 kooxood. Haddaba ciyaartoydan da’da yar ayaa sannadkan soo hooyay guulo iyaga oo hantay koobab, kuna guuleystay horyaalo waaweyn oo sannad walba lagu qabto gobolka Minnesota. 

Guulaha iyo koobabka ay dhallinyarada Twin Cities Soccer Club ayaa waxaa kamid ah: 

  1. Kaalinta Koobaad USA CUP
  2. Kaalinta Labaad Horyaalka MYSA
  3. Kaalinta Koobaad Koobka Somali Week
  4. Kaalinta 4-aad Horyaalka MYSA

Munaasabada loogu dabaal degayey horumarka iyo guulaha ay dhallinyarada iyo Naadiga Twin Cities Soccer Club gaareen sannadkan 2021 ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidtiin, qaar kamid ah hogaamiyeyaasha, culumadda, aqoon yahaniinta iyo madaxda gobolka Minnesota. Waxaa goobta munaasabada laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhiiri-gelin iyo dabaal deg iskugu jiray. 

Maamulka iyo macalimiinta kooxda Hawaji, Robert, Justin, Abass, Ali, Hashi, Abdiqadir Tute iyo Ahmed Indho ayaa ciyaartoyda iyo kooxaha kala duwan ee uu naadigu ka kooban yahay gudoonsiiyay Abaal-marin, hadiyado iyo shahaadooyin loogu dabaal degayo shaqada wanaagsan iyo guulaha kala duwan ee ay sannadkan soo hooyeen. 

Continue Reading

Trending