Wararka Soomaalida
Abwaan Cabdiqaadir Shube oo xil loo magacaabay (Akhriso)
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa galabta xilkii Maareeyaha xarunta Murtida iyo wacyi galinta Tiyaatarka qaranka kaga qaaday Maxamed Abuukar Ma’da oo xilkaas hayay muddo dhowr bilood ah ka dib wareegto xafiiskiisa ka soo baxday.
Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa xilka Maareeyaha tiyaatarka Qaraka ugu magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf oo loo yaqaa o Abwaan (Shube) oo kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah.
Wasiir Maareeye ayaa intaas ka dib udhoofay dalka Boqortooyada Sucudiga oo howlo shaqo uu u aaday sida aan ka helnay xafiiska wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Xilkan loo magacaabay Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Yuusuf Shube ee Maareeyaha tiyaatarka Qaranka ah ayaa waxay tahay xarun wax shaqo ah qaban muddo 30 sano ah waxaana hadda ku socda dib udayactir iyadoo hadda uu marayo dayactirka xarunta Murtida iyo madadaalada tiyaatarka Qaran meel gabagabo ah waxaana lagu wadaa in dhawaan xariga laga jaro si dib loogu howlgaliyo waxaana lagu dhisayaa Barnaamijka isxilqaan.