Wararka Soomaalida

Agaasime Koofi iyo Safiir Al-Xuweydi oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

Published

on

Agaasimaha Guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Ambassador Xamuud Sumran Al-Xuweydi.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisey wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Xariirka Carabta ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho, Xoojinta xiriirka,wadashaqeyta iyo fududenyta isku socodka dadka ee dalalka xubinta ka ah Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay iyadoo la maraayo golaha Iskaashiga arimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka Agaasimaha Guud iyo Safiirka ayaa lagu soo hadal qaaday sidii loo gacan qaban lahaa qaxootiga wadamada Carbeed ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Agaasimaha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday hormarada ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya gaar ahaan hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda sanadihii lasoo dhaafay isagoo Safiirka bogaadiyay isla markaana sheegey in hormarkaasi uu yahay mid muuqdo oo ay dhamaan wadamada Jaamacadda Carabta iyo wadamada dariska ah dareemeen horumarkaas hay’adda gaartay.

Ugu dambeyn Safiirka ayaa balan qaaday in ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo ay kamid tahay Xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adda iyo xafiiskiisa ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version