Wararka Soomaalida
Agaasime u gacan galay Al Shabaab
Agaasimihii madaxtooyada maamulka Hirshabelle Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi) ayaa isku dhiibay kooxda Al shabaab ka dib markii uu ka goostay maalmo ka hor maamulkaas.
Xasan Cumar Axmed Agaasihii hore ee madaxtooyada Hirshablle oo wareysi dheer siiyay Idaacadda ku hadasha afka kooxda Al shabaab ee Andalus ayaa sheegay inuu ka baxay siyaasada iyadoo intaas warkiisa ku daray in muddo seddax sano ah Agaasime ka ahaa madaxtooyada Hirshablle haatana uu ku biiray Al shabaab.
Mas,uulkan ka goostay maamulka Hirshabelle ee lagu magacaabo Xasan Cumar Axmed ayaa hadda wuxuu ku sugan yahay degmada Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan sida uu ku cadeeyay wareysiga uu siiyay Idaacadda Al shabaab wararka ubaahisa ee Andalus iyadoo ilaa hadda uusan cadayn sababta ku xambaartay inuu ka goosto maamulkii uu ka tirsanaa ka dibna uu ku biiro kooxda Al shabaab.