Wararka Soomaalida
Ahlusunna iyo DFS oo heshiis wada gaaray
Dadaalo dhinacyo badan ay ka qeyb qaateen ayaa waxaa ugu dambeyn lagu heshiisiiyay Ururka ahlusuna iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ka dib markii beesha caalamka dhaxda uxiratay in xal waara laga gaaro khilaafka Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya udhaxeeyay ee soo xulista Baarlamanka cusub ee Galmudug.
Heshiiska ay gaareen labada dhinac ayaa wuxuu dhigayaa in Ahlusunna 20 Xilshibaan laga siiyo Golaha Baarlamanka cusub ee Galmudug iyadoo arintaas dhamaan ay wada saxiixeen.
Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20-ka xildhibaan halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka Galmudug.
Wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in iyaga iyo Ahlu-Sunna ay ku heshiiyeen in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybiyo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siinayo Baarlamaanka Galmudug si loo ilaaliyo hanaanka awood qeybsiga beelaha.
Wasiir Sabriye ayaa wuxuu uu sheegay in dhowaan ay guda geli doonaan howlaha lagu soo xulayo xildhibaanada Galmudug ayna ku rajo weyn in muddo aad u kooban lagu soo dhiso Galmudug mideysan.