Local News
AK Hassan oo ku biiray tartanka kursiga degmadda 6-aad
AK Hassan oo ku soo biiray tartanka loogu jiro kursiga degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis
Abdikadir “AK” Hassan ayaa noqonaya qofkii shanaad ee isku soo sharaxa kursigii uu gudoomiye Abdi Warsame iska casilay maalintii Isniinta March 30, 2020.
Abdikadir “AK” Hassan oo kamid ah madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota laga soo doorto ayaa si rasmi ah iskugu soo sharaxay kusriga degmadda 6-aad kadib markii uu maanta bogiisa Facebook ku soo bandhigay in uu yahay musharax u taagan kursiga degmadda 6-aad ee Magaaladda Minneapolis.
Abdikadir “AK” Hassan ayaa ah qofkii ugu da’da yaraa ee Soomaali ah ee loo doorto kursi gobolka Minnesota. AK Hassan ayaa mudo saddex sannadood ahaa madaxweyne ku xigeenka Golaha Gudoonka Jardiinooyinka Madadaalada Minneapolis (MPRB), isaga oo weli kamid ah Golaha Gudoonka Minneapolis Park & Recreation Board.
Ku dhawaaqida uu AK Hassan ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan kursiga degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis ayaa ka dhigay in uu yahay musharaxa keli ah ee isagu hadda xil siyaasad haya ama waayo aragnimo siyaasad leh ee kursigan u ordaya.
Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo kordhaya tiradda musharixiinta u tartamaysa kursiga degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis ama kursigii uu gudoomiye Abdi Warsame iska casilay.
Wixii akhbaar dheeraad ah ee ku saabsam musharaxnimadda AK Hassan waxaad ka akhrisataa boggiisa uu ug talagalay ololihiisa doorasho: akhassan.com