Wararka Soomaalida
Akhriso magacyada Xildhibaanada Mooshinka ka gudbisay Madaxweynaha Puntland
Mudanayaal gaaraya 29 Xildhibaan ayaa caawa Mooshin xil ka qaadis ah ka gudbisay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyagoo Mooshinka ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Puntland ku macneeyay in Madaxweyne Deni uu ku xadgudbay Dastuurka udegsan maamulka Puntland sidaas awgeed uqalmin in kursiga uu ku sii fadhiyo Madaxweyne ka sii ahaado Puntland.
Xildhibaanadan Mooshinka saxiixay ayaa ugu goodiyay Madaxweynaha Puntland in talaabo sharci ah ay kaga qaadayaan xilka Madaxweynaha waxayna intaas hadalkooda ku siidareen in tirada hadda ay yihiin ee 29 Xildhibaan ah saacadaha nagu soo aadan ay ku rajo weyn yihiin inay ka sii bataan oo ay gaaraan in ka badan 30 Xildhibaan.
Tirada saxda ah ee xilka ka qaadi karta Madaxweynaha Puntland ayaa ah 35 Xildhibaan haddii 34 Xildhibaan xataa gaaraan tirada Xildhibaanada waxaa qalqal galaya xil haynta Madaxweynaha iyadoo hadda la hadal hayo in tirada ugu badan ee baarlamanka Puntland isku raaci karaan inay saxiixaan arinta Mooshinka ah ee Madaxweynaha maamulka Puntland xilka looga qaadayo.
Halkan ka akhriso magacyada Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ee Madaxweynaha Puntland doonaya in kuriga uu baneeyo si aan baryo ahayn.
Baarlamanka Puntland ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 66 Xildhibaan guud ahaan iyadoo hadda tirada ridi karta Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ka dhimantahay 6 Cod ama xildhibaan oo kaliya maadaama 29 Xildhibaan hadda ay gudbiyeen Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Puntland ah.
Haddii talaabadan ku saabsan Mooshinka xil ka qaadist ah ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uhirgasho xubnaha Golaha wakiilada Puntland ee sidaas xilka uga tuuraan Madaxweynaha ayaa waxay noqonaysaa talaabadii ugu horaysay ee abid ay ku dhaqaaqaan Golaha Baarlamanka maamulka Puntland tan iyo intii la aas aasay Baarlamankan.