Wararka Soomaalida

Al shabaab oo duqeyn loogu dulay seddax sarkaal

Published

on

Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ee AFRICOM ayaa wuxuu ka dhacay Gobolka shabeelaha hoose waxaana howlgalkaas lagu dilay seddax Sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab sida lagu sheegay wakaaladda Wararka Sonna ee dowladda federaalka Soomaaliya wararka ubaahisa.

Howlgalkaas oo labo qeeb ahaa ayaa kan hore wuxuu dhacay shalay oo Sabti ahayd wuxuuna ka dhacay deegaan la yiraahdo Cali Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay laba sarkaal oo amiiro Al shabaab ahaa.

Kan labaad ayaa wuxuu dhacay galabta oo Axad ah wuxuuna ka dhacay deegaanka kale ee Kuunyo Barrow ee isla Gobolka shabeelaha hoose waxaana halkaas lagu dilay Sarkaal kale oo Al shabaab xubin sare ka hayay sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Sonna.

Tirada guud ee saraakiisha Al shabaabka ah ee duqeymahaasi loogu dilay ayaa noqonaya seddax Sarkaal oo sar sare kooxdana jagooyin muhiim ah uqaabilsanaa sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidamada Maraykanka ee howlgaladaas wax ka fuliyay.

Ma jirin wax khasaaro Shacab ah oo ka dhashay intii lagu jiray howlgaladaasi iyo cid kale oo waxyeelo ka soo gaadhay duqeymahaasi ee lala beegsaday Saraakiisha Seddaxda ah ee ka tirsanaa kooxda Al shabaab ee lagu kala dilay Kuunyo Barrow iyo Cali Barrow ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM midna magac masheegin Saraakiisha Al shabaab ee duqeymaha ay ku dileen Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ee AFRICOM.

Trending

Exit mobile version