Wararka Soomaalida
Al shabaab oo soo bandhigay magacyada raggii weeraray SYL Hotel
Ka dib markii dhawaan kooxda Al shabaab ay weerareen Hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa shan maalin ka dib maanta waxay soo bandhigeen Magacyada raggii weeraray SYL iyo gobolada ay ka soo kala jeedaan.
Kooda Al shabaab ayaa sheegay in ragga weeraray Hotel SYL ee Muqdisho ay hogaaminayeen ragga kala ah Max’med Maxamuud Cabdi (Saadaq) iyo Cabdiraxmaan Xasan Maxamed waxayna sheegeen Al shabaab in Maxamed Maxamuud Cabdi uu ka soo jeedo beel ka mid ah beelaha degan Gobolka Hiiraan halka Cabdiraxmaan Xasan Maxamed uu ka soo jeedo Gobolka Shabeelaha hoose sida ay sheegeen kooxda Al shabaab.
Idaacad ku hadasha codka kooxda Al shabaab oo wareysi dheer ka qaaday labadan dhalinyaro ayaa mid waliba wuxuu sheegay reerka Soomaali uu ka yahay iyo jufada uu ka siiyahay sidoo kale hadafka uu u weeraray hotelka SYL.
Weerarka lagu qaaday hotel SYL ayaa wuxuu dhacay 10-kii bishan December ee aan ku jirno xili maqrib ah waxaana ku nafwaayay ku dhawaad 25 ruux halka dhaawaca uu gaarayo in ku dhaw 40 qof inkastoo laamaha amniga tirada guud ee dhimashada ay ku sheegeen 5 ruux oo labo Ciidanka dowladda ah iyo seddax shacab ah.
Dhaawaca ayaa waxay ku sheegeen inay gaareyso 5 ruux oo shacab ah iyadoo kooxda Al shabaab dhankooda ay sheegeen dhimashada iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
Dhinaca kale xog uu helay Wargeyska Tusmotimes ayaa sheegaysa in shantii nin ee weerartay SYL Hotel dhamaan tood ay ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliya sida aan ka soo xiganay xogtan mid ka mid ah saraakiisha hoose ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.