Wararka Soomaalida

Amarkii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ka horyimid Maamulka Jubbaland

Dhawaan Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa soo saaray amar ku socda Ardayda shahaadiga ah ee ka qalin jebineysa dugsiga sare ee Fasalka 4-aad (from 4) in qasab ay tahay in ay galaan labo imtixaan oo kala ah midka dowladda iyo kan Daladaha waxbarashada. Imtixaankaas ayaa Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya […]

Published

on

Dhawaan Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa soo saaray amar ku socda Ardayda shahaadiga ah ee ka qalin jebineysa dugsiga sare ee Fasalka 4-aad (from 4) in qasab ay tahay in ay galaan labo imtixaan oo kala ah midka dowladda iyo kan Daladaha waxbarashada.

Imtixaankaas ayaa Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya waxay u astaysay bisha May ee soo socota in lageli doono.

Haddaba waxaa amarkaas ka soo horjeestay Maamul goboleedka Jubbaland waxayna sheegeen Madaxda Maamulkaas in Ardayda ka qalin jebineysa dugsiyada sare ee deegaanada Maamulka jubbaland ku shaqeyneyn doonin amarka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ka soo baxay.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda waxbarashada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in amarkaas ay ka soo horjeedan.

“Wasaarada Waxbrashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland  oo fulineysa Amarka madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobe ayaa Wasaaradda waxay caddeysey inaysan ardeyda Jubbaland gali doonin labo imtixaan oo ay galayaan imtixaanka shahaadiga ah oo kaliya ayagoo wasaaradda waxbarashada federaalka ee  Soomaaliya ka codsaday in go’aankooda ay dib ugu laabtaan maadaama aysan jirin sabab qasbaya in Ardayda ay galaan labo imtixaan” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version