Wararka Soomaalida
AMISOM oo gargaar udirtay Sabiib Caanoole ee shabeelada hoose
Ka dib markii horaantii bishan April Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka saareen kooxda Al shabaab deegaanada Sabiib Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere ee Gobolka shabeelada hoose ayaa Taliska Ciidanka AMISOM waxay deeq ka kooban Mara kaneeco,qalab loogu talagalay difaaca Cayayaanka iyo Bustayaal. Deeqdan ayaa AMISOM waxay ugu tala gashay Ciidanka ku sugan deegaanadaas ka […]
Ka dib markii horaantii bishan April Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka saareen kooxda Al shabaab deegaanada Sabiib Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere ee Gobolka shabeelada hoose ayaa Taliska Ciidanka AMISOM waxay deeq ka kooban Mara kaneeco,qalab loogu talagalay difaaca Cayayaanka iyo Bustayaal.
Deeqdan ayaa AMISOM waxay ugu tala gashay Ciidanka ku sugan deegaanadaas ka dib markii Ciidanka Soomaaliya ay xoog ugu saareen ee Al shabaab si ay uga gabaad sadaan Ciidanka iyo shacabka ku nool halkaas Kaneecada iyo qabowga habeenkii ah.
Deeqadan ka timid Taliska Ciidanka AMISOM ayaa waxaa loo marsiiyey Xafiisyada dowladda federaalka Soomaaliya si loo gaarsiiyo Ciidanka iyo shacabka ku sugan deegaanada Shabiib Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere ee Gobolka shabeelada hoose ka dib markii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka xoreeyeen Al shabaab.