Wararka Soomaalida
Anthony Thomas oo lagu dhaawacay Xabsiga dhexe ee Xamar
Anthony Thomas oo ah shaqsi Ajanabi ah asalkiisana ka soo jeeda dalka South Africa balse haysta dhalashada dalka Britain kuna xiran Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa lagu soo waramayaa in koox maxaabiis ah ay dhaawaceen. Kooxda Maxaabiista ah ee dhaawaca u gaysatay ninkan Ajanabjga ah ayaa la sheegay in ay yihiin rag loo haysto fal […]
Anthony Thomas oo ah shaqsi Ajanabi ah asalkiisana ka soo jeeda dalka South Africa balse haysta dhalashada dalka Britain kuna xiran Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa lagu soo waramayaa in koox maxaabiis ah ay dhaawaceen.
Kooxda Maxaabiista ah ee dhaawaca u gaysatay ninkan Ajanabjga ah ayaa la sheegay in ay yihiin rag loo haysto fal argagaxiso kana mid ah Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe.
Anthony Thomas ayaa la sheegay in Kooxdan ay ku weerareen Sakiimo ka dibna kaga dhaawacay Qoorta iyo Gacmaha dhaawiciisana uu fudad yahay waxaa hadda lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada sida gaarka ah ay uleedahay Dowladda Soomaaliya.
Kooxdan dhaawacday ninkan ajanabiga ah ee lagu magacaabo Anthony Thomas ayaa waxay ku wada xirnaayeen hal qol markii dhaawaca loo gaysanayey.
Anthony Thomas ayaa waxaa uu yahay shaqsigii dhowaan laga shakiyey in uu watay wax yaabaha Qaraxa xili uu diyaarad ka raaci lahaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ninkan lagu magacaabo Anthony Thomas ee haysta dhalashada British-ka ayaa doonayey in uu raaco diyaaradda itoobiya Airlines balse Ciidamada amaanka Garoonka ay ka shakiyeen in Boorasadiisa ay ku jiraan wax yaabaha aan loo ogolayn in Diyaaradaha la-la raaco.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhowaan Anthony Thomas ilaa amardambe ku xukuntay in lagu siihayo Xabsiga dhexe ee Xamar.