Wararka Soomaalida

Aqoonyahan siweyn looga yaqaano Soomaaliya oo geeriyooday

Published

on

Prof Maxamed Cali Kalay oo ka mid ahaa dadka hal doorka ah ee Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeryooday Magalada Baydhabo wuxuu ahaa aqoonyahan xiriir wada shaqayn ah la lahaa bahda Saxaafadda Soomaaliyeed.

Aqoonyahan Maxamed Cali Kalay ayaa waxaa soo wajahay xanuun in muddo ah uu la taahayay ka dibna u geeriyooday waxaa si aad ah loogu xasuustaa ka hadalka arimaha nabada Soomaaliya iyo dowlad wanaaga sidii Soomaalida bur burka ku dhacay nabad iyo barwaaqo u gaari lahaayeen.

Geerida aqoonyahankan ku timid ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guud ahaan shacab weynaha Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibadba.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa wuxuu tacsidan qoraalka ah uu soo dhigay Page-kiisa Facebook uu ku leeyahay.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xanuunka leh ee ku timid Prof. Maxamed Cali Kalaay oo kamid ahaa aqoonyahanada iyo waxgaradka reer Koonfur Galbeed,naxariistiisa jano rabbi haka waraabiyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan eebe haka siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Alle ha unaxariistee Prof Maxamed Cali Kalay ayaa wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada fara ku tiriska ah ee aan ku milmin siyaasadaha isdiidan ee Soomaaliya isagoo ahaa shaqsi aqoontiisa ku shaqaysta.

Trending

Exit mobile version