Wararka Soomaalida
Aqooyahan Soomaaliyeed oo ka digay isticmaalka Hubka Macmalka ah
Aqoonyahan Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa wuxuu qormo ka sameeyay Hubka Macmalka ah ee maalmaha munaasabadaha loo iibiyo Caruurta si ay ugu ciyaaraan in qadar Maskaxeed uleedahay Caruurta koritaanka Maskaxeed ee ilmaha yaryar mustaqbalkooda. Ismaaciil X Warsame ayaa shegay in Bastooladaha Caagga ah iyo Qoryaha ka samaysan Caagga ee Caruurta loo iibiyo Maskada Caruurta koritaankooda ku […]
Aqoonyahan Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa wuxuu qormo ka sameeyay Hubka Macmalka ah ee maalmaha munaasabadaha loo iibiyo Caruurta si ay ugu ciyaaraan in qadar Maskaxeed uleedahay Caruurta koritaanka Maskaxeed ee ilmaha yaryar mustaqbalkooda.
Ismaaciil X Warsame ayaa shegay in Bastooladaha Caagga ah iyo Qoryaha ka samaysan Caagga ee Caruurta loo iibiyo Maskada Caruurta koritaankooda ku abuurayo inay jaclaadaan Hubka iyo habka loo isticmaalo Hubka saxda ah hadhow markii ay xoogaystaan.
Waalidiinta dhalay ubadkaas ayaa wuxuu ugu digay inay ka feejignaadaan u,iibinta Hubka caagga ka samaysan caruurtooda si loo helo dhalinyaro maskaxiyan Caafimaad qabta.
Aqooyahanka ayaa waxaa uu tusaale usoo qaatay Ciidii hadda ahayd oo uu ku arkay Magaalada Gariwe :90/ Caruurta yaryar oo ku wada jeenqaarsan Bastoolado iyo qoryaha AK 47 oo macmal ah arintaasoo ku dhalisay inuu wax ka qoro Aqooyahankan.
Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa sheegay inay been tahay in Soomaaliya saaran tahay cuna qabatayn Hubka ah mar haddii Caruurta yaryarka ah loo sahlayo inay ku ciyaaraan Hubka noocaas ah iyagoo hadhow markii weynaadaana ufudadahay isticmaalka Hubka.
Aqooyahankan ayaa intabadan wacyi gelintiisa ku qora Loqadda English-ka wuxuuna soo dhigaa bartiisa internedka qaybta Baloogga.
“tani waxay nagu adkeyneysaa wax badan maxaa yeelay caruurtu ma ahan kuwo maskaxdooda bislaatay oo kala garan kara waxa xun iyo waxa fiican umana fiicna koritaanka maskaxeed Aabayaashooda iyo hooyooyinkooda waxaan leeyahay sidaas hayeelina tani waxay tusinaysaa ama muujinaysaa in koritaanku aanu u diyaarsanayn nabadda iyo barwaaqada’Alaab-qeybiyeyaashu inta badan waa ganacsatada fursadaha ka raadinaya faa’iido dhaqaale ee iyagu kama fukiraan qatarta maskaxeed ee caruurta”ayuu ku soo xiray hadalkiisa.