Local News

Arday dhigta Jaamacadda Minnesota oo la la’aa ayaa meydkiisa laga helay Wabiga Mississippi

Published

on

MINNEAPOLIS  – Wiil Soomaali ah oo ahaa arday wax ka barta Jaamacadda Minnesota oo todobaadkii hore la waayay ayaa meydkiisa laga helay webiga Mississippi.

Meydka Cabdiraxmaan Cabdifataax Cali oo 21-sanno jiray ayaa laga soo saaray wabiga Mississippi maalintii Isniinta, waxaana aqoonsaday oo xaqiijiyay meydka Cabdiraxmaan baarayaasha waaxda caafimaadka ee degmada Ramsey ee gobolka Minnesota.

Sarkaal ka tirsan ciidan booliiska magaaladda St. Paul ayaa sheegay in ay heleen warbixin ku saabsan mayd ku jira biyaha webiga Mississippi, meydka ayaa lagu arkay meel u dhow goobta doomuhu ku soo xirtaan ee Harriet. Qofka arkay meydka biyaha ku jira ayaa soo wacay taleefanka gurmadka deg-dega ah ee 911 saacadu markay ahayd abbaare 5:45 p.m. galabtii Isniinta. Ciidanka booliska magaaladda St. Paul oo kaashanaya Ilaalada Biyaha ee Degmadda Ramsey ayaa gacan ka geysteen ka saarida meydka Cabdiraxmaan webiga Mississippi.

Cabdiraxmaan ayaa noqonaya ardaygii labbaad ee dhigta Jaamacadda Minnesota ee meydkiisa laga helo webiga Mississippi mudo bil ah. Xafiiska  baadha dambiyada ee Minnesota ayaa sheegay 20-kii bishii hore ee Maajo in Austin Retterath oo ahaa 19 jir meydkiisa laga helay wabiga Mississippi. Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax tuhun ah oo la xiriira in dembi laga galay ama la dilay labaddan arday ee meydkooda laga helay webiga.

Haddaba Allaha u naxariisto Cabdiraxmaan Cabdifataax Cali ayaa maalinta Arbacada ah waxaa lagu aasayaa qabuuraha Muslimka ee ku yaala magaaladda Burnsville ee gobolka Minnesota.

Trending

Exit mobile version