Wararka Soomaalida
Axmed Madoobe iyo Saraakiil uu hogaaminayo oo ka degay Degmada Afmadow Daawo Sawirada
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyo Saraakiisha uga saraysa Ciidamada ku sugan Jubbada hoose ayaa maanta gaaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose. Axmed Madoobe iyo Saraakiishan la socota ayaa diyaarad khaas ah karaacay Magaalada Kismaayo waxayna ku dejisay Garoon macmal ah oo ku yaalla Degmada Afmadow,Safarka Axmed Madoobe iyo Saraakiisha uu hor […]
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyo Saraakiisha uga saraysa Ciidamada ku sugan Jubbada hoose ayaa maanta gaaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.
Axmed Madoobe iyo Saraakiishan la socota ayaa diyaarad khaas ah karaacay Magaalada Kismaayo waxayna ku dejisay Garoon macmal ah oo ku yaalla Degmada Afmadow,Safarka Axmed Madoobe iyo Saraakiisha uu hor kacayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ujeedka uu yahay sidii Al shabaab loogu saari ahaa Degmada Bu,aale ee Jubbada dhexe.
Degmada Bu,aale ayaa ah Caasimadda Maamulka Jubbaland oo hadda Maamulkaas si KMG ah ugu sii shaqaynayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose maadaama Al shabaab ay si buuxda gacanta uga hayaan Gobolka Jubbada dhexe oo Magaalo Madaxdiisuna ay tahay Bu,aale.
Degmada Afmadow ee maanta uu gaaray Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa kaga sii horeeyey oo maalmahaanba ku qul-qulayey Ciidamada Maamulka Jubbaland si ay u xoreeyaan Gobolka Jubbada dhexe iyo deegaanada Al shabaab ka maamulaan kan Jubbada hoose.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ku lebisan Tuutaha Ciidanka Militariga ayaa markii ay gaareen Afmadow durabiiba kulan Deg-Deg ah iskuuga yeeray dhamaan Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan halkaas waxaana wararku ay sheegayaan in Saraakiisha uu faray in sida ugu dhaqsi yaha badan loo xoreeyo Degmada Bu,aale oo Caasimad u ah Maamulka Jubbaland iyo guud ahaan Gobolkaas laga xoreeyo Al shabaab.
Maamulka Axmed Madoobe uu Madaxweynaha ka yahay ee Jubbaland ayaa tan iyo markii Al shabaab kala wereegeen Magaalada Kismaayo sanadkii 2013kii ilaa hadda waxay sheegaan Saraakiisha Maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe naftirkiisaba in Al shabaab ay ka xoreynayaan Seddaxda Gobol ee Maamulkaas uu ku magacaaban yahay ee kala ah Jubbada hoose,Jubbada dhexe iyo Gedo.