Wararka Soomaalida

Axmed Madoobe oo dhabarka la toogtay

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa waxaa siyaasad ahaan laga jebiyay dhabarka ka dib markii Wasiirkii amniga ee Maamulkiisa ahanaa gacantiisa Midig Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdirashiid Janan) oo ka soo goostay Maamulka Jubbaland. Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ka dib markii Axmed Madoobe isku dhaceen sida ilo xog ogaal […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa waxaa siyaasad ahaan laga jebiyay dhabarka ka dib markii Wasiirkii amniga ee Maamulkiisa ahanaa gacantiisa Midig Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdirashiid Janan) oo ka soo goostay Maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ka dib markii Axmed Madoobe isku dhaceen sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan waxaa uyewray Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Kismaayo iyagoo ku amray in qof musharaxa ah laga hor istaagi karin Kismaayo laguna qash qashaadi karin howlahiisa musharaxnimo.

Sidoo kale AMISOM ayaa wasiirkan ku amartay in amaanka Musharaxiinta ay sugaan wixii cabasho ah ee ka yimaada Musharaxiintuna ay kula xisaabtamayaan asaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe haddii ay ka hor yimaadaan amarka AMISOM talaabo ka qaadaan.

Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa amarkan ka soo baxay Taliska AMISOM ku war geliyay Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuuna Axmed Madoobe usheegay Cabdirashiid Xasan Nuur Janan in warka AMISOM ka shaqaynaynin Kismaayo asaguna shaqadiisa ka adkaado oo raganimadiisa adeegsado.

Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo ucuntumi waysay labada amar ee ka soo kala baxay Axmed Madoobe iyo AMISOM ayaa go,aan ku gaaray inuu ka dhaxbaxo Maamulka Jubbaland iyo AMISOM wuxuuna haatan ku sugan yahay Magaalada Muqdisho sida ay nala wadaageen Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Kismaayo.

Wasiirkan ayaa waxaa uyeeray Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxaana hadda ku sugan yahay Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo soo dhaweyn wanaagsan loogu sameeyay Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version