Wararka Soomaalida
Axmed Madoobe oo kahadlay xusuustii ay reebtay 14 October xasuuqii shacabka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee weli xilkiisa muranka ka taagan yahay Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Xusuusta dhacdadii 14 Oktoober ee Sanadkii 2017-dii Weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee isgooyska Soobe ka dhacay uu ahaa mid musiibo qaran sidoo kale ay ku dhiiri galinayso sida ay muhiimka u tahay dadaalada nabadgalyada iyo dagaalka argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.
Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan oo lala galo.
Siihayaha Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay.