Wararka Soomaalida

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo isagoo aad ucaraysan

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadaha hoose ayaa barqadii maanta ka degay Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ka dib markii uu ka soo carooday shirkii Garowe. Axmed Madoobe ayaa markii uu ka degay Kismaayo wuxuu sheegay inuu fashilmay shirkii Lixda maalin ay ku la haayeen Garowe wuxuuna fashilkaas ku eedeeyey Madaxda dowladda dhexe ee […]

Published

on

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadaha hoose ayaa barqadii maanta ka degay Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ka dib markii uu ka soo carooday shirkii Garowe.

Axmed Madoobe ayaa markii uu ka degay Kismaayo wuxuu sheegay inuu fashilmay shirkii Lixda maalin ay ku la haayeen Garowe wuxuuna fashilkaas ku eedeeyey Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya sida uu warka udhigay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe sida samigiisa Galmudug Madaxweynaha ka ah ee Axmed Ducaale ayaa asguna wuxuu sheegay in Soomaaliya aaney ka jirin wax nidaam dowladeed ah sida uu sheegay Axmed Madoobe.

Inkastoo gabi ahaan uu fashilmay shirkii Garowe ee udhaxeeyey Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa wali wax war ah ka soo bixin Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ee martida loo ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version