Wararka Soomaalida

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Madaxa ONLF

Published

on

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo wali Madaxtanimadiisa muranka ka taagan yahay ayaa saaka kulan dheer magaalada Nairobi kula qaatay Gudoomiyaha Ururka ONLF oo isbuucyadaanba ku sugan dalka Kenya.

Kulankan Axmed Madoobe uu la kulmay Cabdiraxmaan mahdi Maadeey iyo xubnaha la socda ayaa wuxuu ku salaysnaa hambalyo Axmed Madoobe uu uwaday inuu gaarsiiyo Gudoomiyaha ONLF ee xilkaas dhowaan loo doortay,sidoo kale is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibad wuxuuna kusoo dhamaaday kulankaas is afgarad iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed meel walba oo caalamka ay ka joogaan sidii looga shaqayn lahaa.

Axmed Madoobe oo aan wali la aqoonsan xilka uu sjeeganayo ayaa wuxuu dadaal dheer ugal sidii loo aqoonsan lahaa laakiin waxaa caqabad weyn ka haystaa dhanka beesha caalamka iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya oo intuba diiday.

Trending

Exit mobile version