Wararka Soomaalida

Ayax geedi ah oo soo gaaray Shabeelaha hoose

Published

on

Cayayaanka Ayaxa oo muddooyinkaaba dhibaato ba’an ku hayay bulshada ku dhaqan Gobolada dhexe iyo Hiiraan ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa in galabta uu soo gaaray degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose iyadoo uu ka yimid Gobolka Hiiraan sida dadka Wanlaweyn ay sheegeen.

Ayaxaan ayaa markii ugu horaysay lagu arkay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyadoo markii dembe si xowli ah ugu fiday dhamaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug wuxuuna ku sugnaa muddo isbuuc ah.

Ayaxa oo Koronkor usocda ayaa markii dambe utalaabay Gobolka Hiiraan waxaana markale lagu arkay degmada Matabaan iyo Beledweyne wuxuuna ku sugnaa Gobolka Hiiraan ku dhawaad 5 maalin iyo Shan habeen waxaana aad cabasho ugu muujiyay bulshada Gobolada Ayaxaan uu soo maray.

Qaar ka mid ah Golaha shacabka oo shalay ka hadlay dhibaatada uu ku hayo bulshada Hiiraan iyo Gobolada dhexe cayayaanka Ayaxa ayaa waxay sheegeen in ayaxaan lagu arkay qaar ka mid ah Gobolada dalka uu ka yimid dhinaca Ethiopia ka dib markii dowladda Ethiopia Sun ku buufisay ka dibna usoo guuray dhinaca Soomaaliya.

Mudanayaasha Golaha shacabka ee dhibaatada Ayaxa ka hadlay ayaa waxay ugu baaqeen Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa iyo wasaaradda Beeraha iyo waraabka in arintan Ayaxa deg deg wax uqu qabtaan sidoo kale Ayaxa meelaha uu ku habsado oo dhan uu kaga tegayo Ukumo hadhawna noqonaya Ayax cuaub.

Dhibaatada uu leeyahay Ayaxa ayaa waxaa ka mid ah baabi’inta dalaga Beeraha iyo Dooga xoolaha nafciga u ah iyo qalqal gelinta bini,aadamka,markii qof uu la kulmo uu ku habsado in kastoo wax dhibaato nafeed ah uusan ugaysan karin haddana wuxuu ku sameeyaa jah wareerin sida Saxaafadda ay u sheegeen bulshada Hiiraan,Galgaduud iyo Mudug ee ayaxaan uu soo maray soona dhibaateeyay.

Qaar ka mid ah bulshada degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in Ayaxaan oo si raxan raxan ah ama koox koox usocda uu ku degay dhulbeereedka Shabeelaha hoose ee u dhow Degmada Wanlaweyn.

Trending

Exit mobile version