Wararka Soomaalida
Beesha caalamka oo war ka soo saaray kulankii Farmaajo iyo Uhuru
Ka dib markii dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan heshiis ah uu ku dhaxmaray Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arinkaas ka hadlay oo war ka soo saaray Beesha caalamka sida ay u arkaan heshiiska cusub ee ay wada gaareen hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Kenya.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa shirkii ay ku yeesheen Nairobi ku heshiiyay in dib loo soo nooleeyo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan ka dhexaynjiray ka dib markii bartamihii sanadkan uu xumaaday.
Sababta xumaysay ayaa wuxuu ahaa iyadoo labada wadan ay isku haystaan dacwadda Badda oo hadda dacwadaasi taalo Maxkamadda ICJ ee cadaalada aduunka.
Shirkii Jaraa’id ee labada hogaamiye Farmaajo iyo Uhuru ayaa waxaa lagu cadeeyay in wax saamayn ah ku lahayn arimaha dacwada Badda xiriirka labada wadan ee dib loo soo nooleeyay.
Haddaba heshiiskaas ayaa waxaa ku farxay oo War Saxaafadeed ka soo saaray Beesha caalamka ee Soomaaliya arimaheeda taageera.
“Waxaan soo dhoweynaynaa dadaalada ay labada hogaamiye isla gaareen kaasoo ku salaysan sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Kenya,waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal islamarkaana saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee bariga Afrika”ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka ka soo baxay.
Wadamada bayaanka soo saaray ayaa waxaa ka mid ah ururada caalamiga ah iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ku wasoo kala ah UNSOM, Maraykanka, AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, OIC, Sweden, Turkey iyo Uganda.