Wararka Soomaalida

Ben Fender iyo Axmed Madoobe oo arimaha soomaaliya ka wada hadlay

Published

on

Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo ka mid ah Siyaasiyiinta sheegta Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ka dib markii Axmed Madoobe uu ku booqday guriga Nairobi uu ka degan yahay Safiirka.

Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka,doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, Xiriirka dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo arrinta ka dhax taagan tahay asaga iyo diwladda federaalka iyo arimaha ka socda qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Safiirka dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah si horumar dalka u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka ka dhacdo taasoo uu safiirku si gaar ah Axmed Madoobe uga codsady inuu ka shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaalidana kuwada qanacsantahay si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin,hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo.

Ugu danbeyn safiirka dalka Ingiriiska ayaa Axmed Madoobe uga mahadceliyay sida muhiimada gaarka ah u siiyay adkeynta amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Trending

Exit mobile version