Wararka Soomaalida

Cabdiwali Gaas oo ka ambabaxay Garowe

Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland iyo qoyskiisa ayaa uduulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida aan Wararka Kuhelnay iyadoo Cabdiwali Gaas tan iyo markii doorashadii dhacday 8-dii bishii kowaad ee sannadkan ee January isla markaana ka dhacday Garowe looga adkaaday uu ku suganaa Magaaladaas. Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Maanulka […]

Published

on

Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland iyo qoyskiisa ayaa uduulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida aan Wararka Kuhelnay iyadoo Cabdiwali Gaas tan iyo markii doorashadii dhacday 8-dii bishii kowaad ee sannadkan ee January isla markaana ka dhacday Garowe looga adkaaday uu ku suganaa Magaaladaas.

Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Maanulka Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in Prof Cabdiwali Gaas iyo Xaaskiisuba ay ku hakan doonaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kadibna uga sii talaabi doonaan dalka Maraykankan oo ay degan yihiin.

Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Siyaasadda uu ku soo biiray,shacabka Soomaaliyeed-na ay barteen xiligii Ra’iisul Wasaaraha uu ka ahaa Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed ka dib markii uu iscasilay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya,haddana ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Siyaasadda soo galiyey Madaxweyne Farmaajo markii Ra’iisul wasaaraha uu ahaa wuxuuna xiligaas Cabdiwali uu ka mid ahaa Golihii wasiirada Farmaajo waxaana loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo xiriir caalamiga ee Soomaaliya waana meesha ambaqaadkiisa Siyaasadeed uu ka soo bilaabay Dr Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii dambe xilkii Ra’iisul wasaaranimo laga qaaday ayaa waxaa uu udartamay doorashadii Madaxweynaha ee Maamulka Puntland sannadkii 2013kii dhamaadkiisa wuxuuna hal cod kaga guulaystay Madaxweynihii waqtigaas haddana ah Xildhibaan Aqalka sare Dr Cabdiraxmaan Faroole.

Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Maamulka Puntland soo hogaaminayey muddo 5 sannadood ah ayaa waxaa uu ku haray doorashadii dhowaan ka dhacday Garow ee 8-dii bishii hore wuxuuna helay 8 cod oo kaliya.

Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Dadka wax ka yaqaana Taariikhdiisa waxbarashadu ayaa waxay ku sheegaan in uu yahay shaqsi bartay cilmiga dhaqaalaha intii uu ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaa so sad ah looga dhaliili jiray xajamaynta dhaqaalaha.

Waxaa kaloo intaas dheereed oo dhaqaalo xumi ka cabanjiray Ciidamada Maamulka Puntland sannadihii Cabdiwali Gaas uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version