Health

Cabista Sigaarka iyo Halista COVID-19

Published

on

Tubaakada, Halis Caafimaakaaga iyo Adeega Joojinteeda

Weli tubaaakdu waa halis. Waxay halis ku tahay caafimaadka qofka isagu cabaya iyo dadka kale ee la nool ama ka agdhow qofkaas sigaarka isticmaala. Sigaarku wuxuu saameeyaa dhamaan xubnaha qoyska ee la degan qofka sigaarka caba. Sidoo kale wuxuu saameeyaa dadka dabaqa la degan marka uu qofku gurigiisa sigaar ama tubaako kale oo qiiqda ku dhex cabo. Sigaarka iyo nooc kasta oo tubaako ah waxay halis u yihiin dadka nugul sida waaweelka, caruurta iyo dadka qaba xaalad caafimaad. Weliba, hadba marka ay dunidu sii casriyowdaba waxaa soo baxaya aalado cusub oo loogu talagalay in dadka lagu soo jiito si ay u kordhiyaan tirada dadka isticmaala tubaakada. Aaladahaas waxaa ka mid ah qalabka loo yaqaano JUUL.

Saamaynta Caafimaad ee Sigaarka

Cabista sigaarku  waxa ay waxyeelo  wayn u gaystaa dhamaan xubnaha kala duwan ee jirka, isaga oo u horseeda xanuuno aan la daawayn karin.  Sigaarku waxa uu xanuunka kansarka ku ridaa sambabada,  dhuumaha ay hawdu marto, wadnaha, iyo xiddada dhiiga qaada. Sigaarku waxa uu xanuun ku ridaa afka, bishimaha, iyo ilkaha.  Sida ay diiwaangelisay CDC sanad kasta sigaark waxaa u dhinta 480,000 oo qof dalka Maraykanka. Hadii aan si kale u dhigo, 5tii qof ee dhimata, mid ka mid ah  ayaa waxyeelada sigaarka u dhinta (ama sigaar uu cabay ama qiiqa agtiisa lagu cabay)

Cabista Sigaarka iyo Halista COVID-19

Waxaa dunida oo idil saamayn wayn ku yeeshay xanuunkan innagu cusub ee COVID-19 oo boqolaal-kun oo qof naftoodii galaaftay. Hadaba sida ay cadeeyeen culimada caafimaadku COVID-19 waxa halis ugu jira dadka sanbabadoodu ay daciifka yihiin sida dadka isticmaala noocyada kala duwan ee tubaakada, dadka qaba xanuunanada neefsashada, xanuunada wadnaha, dadka waayeelka ah, iyo dadka jilicsan ee xanaanada gaar ah u baahan. Haddii qof isticmaala tubaakada uu ku dhaco COVID-19 waxaa la isku raacsanyahay in uu qof kaas uu halis dheeraad ah ugu jiro cudurkan, maadaama oo uu yahay cudur neef-mareenka ku dhaca. Maadaama oo uu qofku sigaarka joojin karo haddii uu si fiican isugu dayo, qofku wuxuu haystaa fursad wanaagsan inta uusan ku dhicin cudurkani, sababta oo ah marka uu qofku joojiyo cabista sigaarka, jirku wuxuu markiiba bilaabaa kasoo kabashada dhaawicii sigaarka.

Miyaad Diyaar u Tahay in aad Joojiso?

Shacabka Minnesota ee raba in ay joojiyaan sigaarka, waxaa loo hayaa adeeg lagaga caawinayo oo bilaash ah. Adeegii dadka lagaga caaawin jiray joojinta sigaarka ee loo yaqaanay Quit Plan waxaa  loo bedelay Quit Partner.  Adeegan waxaa laga heli karaa barta internetka ee https://www.quitpartnermn.com/ ama adiga soo soo wacaya 1-800-QUIT-NOW (784-8669).

Marka aad diyaar u tahay inaad joojiso isticmaalka tubaakada, waxaan u joognaa inaan ku caawinno. Hadii aad rabto qof af-Soomaali ku hadla oo ku caawiya si uu kuula xiriiriyo adeegan, na soo  wac shaqaalaha caafimaadka Wellshare International 612-913-1535

Macluumaad Dheeraad ah:

Waxaanu soo saarnay laba fiidyow oo JUULka iyo sigaarka ku saabsan:

Xiriirka ka dhaxeeya COVID-19 iyo tubaakada fadlan booqo https://www.health.state.mn.us/communities/tobacco/quitting/index.html#q6

Halis ahaansha sigaarka: https://e-cigarettes.surgeongeneral.gov/

Halista sigaarka korantadu u leeyahay dhalinyarada: https://www.cdc.gov/tobacco/basic_information/e-cigarettes/Quick-Facts-on-the-Risks-of-E-cigarettes-for-Kids-Teens-and-Young-Adults.html

Waxaa Soo Diyaariyey

Abdirahman Mohamud

WellShareinternational (Xigashadda Sawirka: Startribune)

Amahamud@wellshareinternational.org

612-913-1535

Trending

Exit mobile version