Wararka Soomaalida
Cagjar iyo Goodax Barre oo qodobo islameel dhigay
Magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti ayaa waxaa kulan dhinacyo badan leh uu ku dhaxmaray Madaxweynaha ismaamulka Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Dr Cabdullaahi Goodax Barre iyagoo kulankoodaasi ku qaadaadhigay arimaha waxbarashada iyo ardada Soomaaliyeed ee ku kala nool dowladda deegaanka Soomaali State iyo guud ahaan dhulka Soomaalida sidii maamulka iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya iskiiga kaashan lahaayeen sare uqaadida arimaha waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintaas kulmay ayaa isku raacay in kaalin weyn laga wada qaato sida loo suura galin karo in ardayda aqoontooda sare loo qaado iyo sidoo kale isusocodka labada dhinac ardayda ka imaanaysa sidii kaalin wanaagsan looga qaadan lahaa.
Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa islameel dhigay ardayda aqoonta Jaamacadeed uraasanaysa deegaanada ismaamulka Soomaali State iyo kuwa ka imaanaya usmaamulkaas ee Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho aqoonta usoo aadaya in labada dhinacba lagu xujayn inay warqado kala yimaadaan maamuladooda.
“Waxaan kulan wada qaadanay wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dawlada federal-ka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre kulan kaasoo aan uga wada hadalnay dardar-galinta iyo isku socodka ardayda Soomaaliyeed sidii ka deegaan ahaana uga qayb-qaadan lahayn,una sii kordhin lahayn deeqaha waxbarasho ee aan siinayno aradada Soomaaliya,sidoo kale deegaan ahaan waxaan wadnaa barnaamijka aqbalaada aradyda dhamaysta dugsiyada sare Soomaaliya inay si rasmiya ugu biirikaraan Jamacadaha deeganka aanan lagu xiridoonin inay warqad aqbalaada Jaamacada soo dirsadaan”ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar.
Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo wasiir Goodax Barre ayaa labadoodaba waxay dalka Djabuuti kaga qeeb galeen shirka nabadda dhinacyada Soomaalida ee uu soo qaban qaabiyay Machadka Heritage ee xaruntiisa ay tahay Muqdisho.