Wararka Soomaalida
Cali Khaliif oo ka hadlay Jabhad lagaga dhawaaqay Buuhoodle
Dhawaan ayaa degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool waxaa lagaga dhawaaqay Jabhad la magac baxday SSC oo ka soo hor jeeda Soomaaliland iyo maamulkii burburay ee la oranjiray Khaatumo State ee mar ka araminjiray qeebo badan oo ka mid ah Gobolada Sool iyo Sanaag.
Jahbadaas ayaa waxaa Buuhoodle lagaga dhawaaqay 2 bishan aan ku jirno ee December 2019-ka iyagoo Buuhoodle ku soo bandhigay awood ciidan iyo saanad Miletari ka dib markii dhoolatus ciidan ay ku sameeyeen Buuhoodle iyo nawaaxigeeda.
Saraakiisha hogaaminaysa Jabhadda SSC oo la hadashay Saxaafadda ayaa ku goodiyay in wixii nidaamkooda ka soo hor jeeda cagta marin doonaan iyagoo intaas hadalkooda ku daray in Soomaaliland wax sheeganaya aaney ku arki karin Gobolada Sool iyo Sanaag oo ah Gobolada udhaxeeya maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Haddaba arinta ka soo cusboonaatay Gobolada Sool iyo Sanaag gaar ahaan degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool ayaa waxaa si kulul uga hadlay Madaxweynihii hore ee maamulkii la oronjiray Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galeyr oo seddaxdii bilood ee la soo dhaafayba ku sugan magaalada Muqdisho wixii intaas ka horeeyayna muddo ku dhow sanad ku noolaa magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.
Cali Khiliif Galeyr ayaa wuxuu sheegay Jabhadda SSC ee lagaga dhawaaqay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool ay tahay sharcidaro wuxuuna intaas hadalkiisa ku daray in dhawaan usafri doono Degmada Buuhoodle ka dibna halkaas ka cadayn doono in wax sheegta Jabhad lagu arki karin Buuhoodle iyo guud ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag.
Mar uu soo hadal qaaday Soomaaliland ayaa wuxuu sheegay Prof Cali Khaliif Galeyr in wadahadal usocdo si ay iskuugu biiraan ama ukala ahaadaan wadahadalkaas oo uu ku macneeyay si ay ula jaaqaadaan meesha aduunka maanta uu marayo Jabhaddana wuxuu faray in wax lagu heli karo wadahadal iyo qalin aan lagu helayn qori iyo dagaal sidaas awgeed ka waatoobaan arinta ay ka dhawaajiyeen.
“Jabhada lagaga dhawaaqay buuhoodle waa sharcidaro kasoo horjeeda dastuurkii iyo maamulkii aan dhisanay ee khaatumo state waxaan farayaa cid walba oo ku lug leh arinkas inay ka waantoobaan waxaynu qalin ku helikarno qori ku doonimayno, Inshallaah waxaan u ambabixidoonaa buuhoodle si aan u badbaadino wiilasheena maalinwalba u dhimanaya maalaa-yacniga halkii waxbarasho laga gaynlahaa loo dhiibayo qori uu naftiisa ku haligayo’ Soomaaliland wadahadal ayaan kula jirnaa natiijada kasoo baxda wadahadalkaas ayaan ku go’aan qaadandoonaa inshallaaah,wakhtigan uma baahnin dhibaato iyo dagaal waxaynu ubaahanay horumar si aan ula jaanqaadno caalamka intiisa kale”ayuu yiri Prof Cali Khaliif Galeyr.
Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa markii uu socodsiin waayay maamulkii Khaatumo State wuxuu la xirtay Maamulka Soomaaliland isagoo doonaya in xubin muhiim ah ka noqo maamulka Soomaaliland sida Madaxweyne ku xigeen ama Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliland iyadoo hadda wasiiro af gaaraya oo ka mid ah Soomaaliland reer ahaan Cali Khaliif Galeyr ay isxigaan.