Wararka Soomaalida
Cali Shariif oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo laga gudoomay
Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawaday dalka Maraykanka Cali Shariif Axmed ayaa maanta laga gudoomay waraaqihiisa Safiirnimo kadib markii uu tagay magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Cali Shariif Axmed ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoontay Mary-Kate Isher oo ah xubinta u qaabilsan Protocol-ka Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Maraykanka.
Xilkan Safiirnimo ee loo magacaabay Cali Shariif Axmed ee dalka Maraykanka ayaa waxaa loo magacaabay 17 bishii July ee sanadkan, ka horna wuxuu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.