Wararka Soomaalida
Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Hotel SYL
Ka dib markii koox ka tirsan Al shabaab weerar iyo qaraxyo toos ah ay ku qaadeen hotel SYL ku yaalla ka soo hor jeedka afaafka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa markii dambe loo xulay Ciidamada sida gaarka ah utababaran iyagoo ka dib Ciidamadaas oo khibradooda Ciidan adeegsanaya dagaal kala hor tagay Maleeshiyada Al shabaab ee hotelka gudaha ugalay.
Ciidamada xoogga dalka ayaa soo badbaadiyay 82 ruux oo iskuuga jira shacab iyo mas’uuliyiin sida laamaha amniga ay sheegeen iyadoo xabadado toos ah hotelka ka socotay.
Dagaalka fool ka foolka ah ee udhaxeeyay Maleeshiyaadka Al shabaab iyo kuwa Xoogga dalka ayaa wuxuu qaatay ku dhawaad 8 saacadood oo xiriir ah iyadoo Ciidamada waxay xeeladaynayeen dagaalka si ay ubadbaadiyaan shacabka iyo mas’uuliyiinta ku go’doomay gudaha hotelka SYL.
Ciidamada amniga ayaa ugu dambayn soo Gababeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL waxaana war ka soo baxay laamaha amniga lagu sheegay in dhammaan Maleeshiyadii Al shabaabka ahaa oo ka koobnaa 5 qof la wada dilay.
Warka ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dhinteen 5 qof halka dhaawacana ay ku sheegeen 2 ruux oo kaliya iyadoo inta dhimatay iyo inta dhaawacantay,ku sheegay inay ahaayeen dadkii shacabka ahaa hotelka joogay.
Laakiin inta lahubo tirada guud ee ku geeriyootay weerarkaas ayaa waxay gaarayaan 11 qof halka dhaawacana uu gaarayo 13 ruux oo dhamaan iskuuga jira Ciidan,mas’uuliyiin iyo shacab intuba sida aan wararka ku helnay.
Dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ugu geeriyoodeen dagaalkaas ee hadda la soo afjaray inat la hubo seddeax oo labo ka mid ah Ciidamadii howlgalka ku jiray ah iyo Garsoore Cabdiqaadir Sheekh Cumar Cabdi.