Wararka Soomaalida

Ciidamada Itoobiya oo la wareegeen Airport-ka Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo isbuucii hore ee la soo dhaafay. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ka soo galeen Kismaayo dhinaca Gobolka Gedo ka horna ay ka yimaadeen Itoobiya. Waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidamada […]

Published

on

Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo isbuucii hore ee la soo dhaafay.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ka soo galeen Kismaayo dhinaca Gobolka Gedo ka horna ay ka yimaadeen Itoobiya.

Waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidamada Itoobiya sidoo kale la wareegeen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Kismaayo iyaga iyo Ciidamada Burundi oo halkaas horay ugunsugnaa.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ka mid yihiin Ciidamada AMISOM waxaana la sheegayaa in arintan looga goleeyahay sugida amaanka doorashada Maamulka Jubbaland ee lagu wado inay dhacdo bisha August.

Warkan ayaa waxaa inta badan laga hadalhayaa guud ahaan Muqdisho iyo Kismaayo in Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen Garoonka Kismaayo iyadoo horay Ciidamada Kenya ugu sugnaayeen garoonka Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version