Wararka Soomaalida

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka fuliyey Gobolka Gedo

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howgal ka fuliyey deegaan hoos yimaada Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo islamarkaana ku bur-buriyey Saldhig weyn oo halkaas Al shabaab ku lahaayeen sida uu saxaafadda usheegay Taliyaha Ciidamada dhulka ee Soomaaliya Jannaraal Odawaa Yuusuf Raage. Saldhiga Al shabaab ee maanta Ciidanka Xoogga dalka ku bur buriyeen duleedka Garbahaarey ee Gobolka […]

Published

on

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howgal ka fuliyey deegaan hoos yimaada Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo islamarkaana ku bur-buriyey Saldhig weyn oo halkaas Al shabaab ku lahaayeen sida uu saxaafadda usheegay Taliyaha Ciidamada dhulka ee Soomaaliya Jannaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Saldhiga Al shabaab ee maanta Ciidanka Xoogga dalka ku bur buriyeen duleedka Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa deegaankaas degmada Garbahaareey wuxuu ujiraa 19 KM dhanka Waqooyi Sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

 

 

Ciidanka Xoogga dalka ayaa Gobolada Soomaaliya intoodabadan kawada howlgal ka dhan ah Al shabaab iyadoo si nabadgelyo ah deegaanada qaar kula wareegaya Ciidamada ka dib markii Kooxda Al shabaab markii ka war helaan duulaanka Ciidanka Xoogga dalka ee dhankooda ku soo wajahan ay baneeyaan deegaanadii muddada dheer maamulayeen kooxdaas sidad Saraakiisha Ciidanka ee howlagaladaas hogaaminaysa ay u sheegaan Saxaafadda.

Sidoo kale ka bixitaanka Al shabaab deegaanada qaar markii culays Ciidan ay dareemayaan ayaa waxaa warbaahinta uxaqiijiyey qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaanada laga qabsaday Al shabaab.

Al shabaab ayaa weli ka hadlin Saldhiga weyn ee maanta Ciidamada Xoogga dalka ay ku bur buriyeen deegaanka 19 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Garbahaareey iyo deegaanadii farahabadnaa ee dhowaanahaanba laga qabsanayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version