Wararka Soomaalida
Ciidamadii halista ubareeray oo soo gaaray Muqdisho
Ciidamadan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxay seddax bil ka hor ka soo goosteen maamulka Jubbaland waxayna ka koobnaayeen 16 askari iyagoo xili habeen ah ka soo goostay xerada ciidanka Jubbaland ee Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.
Askartaas ayaa soo maray dhulka miiga ah iyagoo wax gaadiid ah wadan balse hubaysan goob waxyar ujirta degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ku qabsaday dagaal xooggan oo ay la galeen kooxda Al shabaab waxaana halkaas looga dilay 6 askari oo uu ku jiro sarkaalkii ugu sareeyay ee hogaaminayay sidoo kale mid ka mid ahaa ciidankaas uu soo gaaray dhaawac.
Askarigii ka dhaawacmay Ciidankaas goosadka ahaa ayaa waxay sheegeen inay ku wareejiyeen shacabka degan duleedka Jamaame iyadoo markii dambe dhaawiciisa loo qaaday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose halkaasna dhaawiciisa lagu dabiibayo.
Ciidankaas ee ka koobnaa 16 askari ayaa waxaa ka soo haray 9 askari 6 uu ku jiro taliyihoodii iyo mid laga dhaawacay 9-kii soo hartay ayaa waxay go’aan ku gaareen ilaa degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose inay lugeeyaan nolol iyo geeri waxa ay la kulmaanba ay gaaraan degmada Baraawe.
Askartan ayaa intii jidka ay ku soo jireen la kulmin waxa dagaal ah markii laga reebo kii ay kala kulmeen Al shabaab duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose iyagoo si xeeladaysi ah kaga soo gudbay qatarta Al shabaab.
Ciidamadan ka soo goostay maamulka Jubbaland ee Al shabaab dhaxda ugalay askarna ka dilay ayaa waxay wadada ku soo jireen 38 maalmood inta udhaxaysa degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose iyo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose sida ay u sheegeen Wargayska Tusmotimes oo maanta ku booqday Hotelka ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho.
Ciidankaas ka soo haray 9-ka askari ayaa waxay soo socdaanba waxay si nabad ah ku soo gaareen Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaana dhowaan halkaas doon kaga soo qaaday Wasiirka duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ka dibna waxaa la keenay Magaalada Muqdisho iyagoo la dejiyay mid ka mid ah Hotelada ku yaala magaalada Muqdisho.